Al-bahgdad(AN)Dagaalyahannada Khilaafada Islaamiga ah ee ka dagaalama Ciraaq iy Suuriya ayaa gacanta ku dhigay maamulka Magaalada Al-Baghdadi ee gobolka Anbar ee dalka Ciraaq.Dagaalo Culus oo kooxdu laba jiho kagaga waday Maalmihii la soo dhaafay Magaaladaasi ayay haatan gacanta ku dhigtay Badiba magaalada sida laga soo xigtay Saraakiisha Dawladda iyo Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha dibada ee Maraykanka.
Waxaa Saraakiil laga soo xigtay in xarunta ciidamada cirka ee Cayn Al-Asad, oo si xooggan loo ilaaliyo Kooxdu isku dayday inay qabsato balse aanay u suuro galin. Ilaa 5KM ayuu Saldhigani u jiraa Magaalada Kooxdu qabsatay.
Ilaa 320 Ciidamada Maraykanka ah ayaa ku sugan xarunta ciidamada cirka ee Cayn Al-Asad,kuwaasi oo tababara Ciidamada Ciraaq ee dagaalka kula jira Ururka Daacish.
Wasaaradda difaaca ee Mareykanka ee Pentagon waxa ay xaqiijisay in dagaalyahanada dowladda Islaamka ay dagaal culus kula wareegeen magaalada Al-Baghdadi ee gobolka Anbar ee dalka Ciraaq “Ma jiro Dagaal Culus Oo Lagu soo qaaday Saldhiga Cirka Ee Cayn Al-Asad laakiin, Waxaa jiray Weerarro aan toos ahayn oo agagaarka Saldhiga ka dhacay iyo rasaas lagu soo riday” ayay sheegtay Afhayeenka Arrimaha dibadda Maraykanka.
Markii u horaysay ee Muddo laba bilood ah Kooxda Daacish ay la wareegto Magaalo tan oo kale ah.








