Qoys Muslim ah oo lagu xasuuqay North Carolina dalka Maraykanka

0

barakat
Qoys deganaa magaalada Chapel Hill gobolka North Carolina ee dalka Maraykanka ayaa toogasho lagu diley iyaga oo ku sugan gurigooda.

Booliska ayaa ku sheegay magacyada saddexda qof 23 jir Deah Shaddy Barakat xaaskiisi 21 jir Yusur Maxamed iyo walaasheed 19 jir ah Razan Maxamed Abu-Salha.

Ninka dilka geystey ayaa boolisku magiciisa ku sheegeen Craig Stephen Hicks waana 46 sano jir.

Deah Shaddy Barakat ayaa ka tirsanaa University of North Carolina, waxaana uu baranaayey caafimaadka Ilkaha. Gabadha walaashiisa dhanka sharciga ama Dumaashidiis ayaa iyaduna baraneysey Architecture and Environmental Design isla jaamacadda North Carolina.

Dilkan fooshaxun ayaa caro xoog leh abuurey, waxaana baraha bulshadu ku xiriirto ee Twitter iyo facebook ay dadku soo dhigayaan dhalinyaradan oo waxbaranaya sawiradooda iyo iyaga oo faraxsan, dilkoodana waxay ku tilmaameen mid u dhigma sidii in dil lagu xukumey tacdiibin, waxaana dadka qaarkiis la bar-bardhigeen dilkii ka dhacay Paris, xafiiska joornaalka Charlie Hebdo.

Saxaafadda Maraykanka iyo kuwa reer galbeedka ayaan si fiican uga hadlin dilkan marka la eego kuwa ay geystaan dadka Muslimiinta ah, waxaana ay ninka dilka fuliyey ku tilmaameen mid madaxa ka jiran ama ah “Lone wolf”, Yeygii keli jooga ahaa, waxaana ay afkooda ka ilaaliyeen in dilka ardeydan Muslimiinta ah loo geystey uu yahay fal argagixiso