Hargaysa(AN) Professor Maxamed Siciid Gees Ayaa ka dhawaajiyay in dalka Turkiga ee wada dhex-dhexaadinta Labada Dawladood ee somaliland iyo Somaliya Inaanu dhex ka ahayn wada hadalka isla markaasina la Xulufo yahay Dawlada Xamar.
Waxa uu Xukuumada Somaliland u So jeediyay in Ay gabi Ahaanba ka Baxdo wada hadalkaas Madaamo oo turkigu wado Sida uu sheegay in Aanay Somaliland iyo Somaliya Kala Bixin.
Professor Gees waxa uu ka dayriyay Siyaasada Arimaha Dibada somaliland isaga oo waanooyin u soo jeediyay iyo Talooyin ku saabsan Wada Hadalka,waxaana uu yidhi.
“Turkigu waa Dawlad Wayn waana Dawlad muslim Ah,Lakiin Dawlad Dimuq-raadi Ah maaha waana Dawlad Dadka Laysa,umado Badan
ayay Laysay Dad Layidhaa Armiinis oo saddex milyan ayay ka dishay,Kurdigana way Laysaa,Mana Ogola in ay somaliyi Kala Godo Somali wayn ayay Taabacsan tahay,Qolada Wala waynta ayay Taabac Santahay.
Maxamed Siciid Gees waxa uu intaas ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata.”inaga Lakiin Doonaynay oo nidhi ina Dhex-dhexaadiya Ayaa layidhi garan Maayo waxa aynu ku falayno dad Aan daacad ka ahayn Wada hadalka somaliland In ay ka baxdo Shirkaas Turkiga Ayaan soo jeedin lahaa,Manaafacaad badan malaha Ayaan odhan lahaa,dad dano gaar Ah leh oo somali wayn inagu wada ayaa Dhex-dhexaadinaya.
Professor Maxamed Siciid Gees waxa uu in Badan ka Soo shaqeeyay Siyaasada Geeska Africa iyo Siyaasada Arimaha Dibada somaliland,Wada hadalka Labada dawladood ee somaliland iyo smaliya dhex marayana waxa uu ka Muujiyay Walaac Aad u Baahsan waxaana uu yidhi.
“Wixii laga Hadlayo Waa laga Hadlayaa,Lakiin Yaan Lagaa Qaylo Badan,Xadhigaaga Adkayso Waa lays Holiyaa Ayaan odhan lahaa Anigu,Lakiin Somaliwayn Shacabku Madoonayaan Somaliland Waa dal Madax Banaan,Xadhiga Gooni isutaaga Adkaysta Ayaan odhan Lahaa.
Dadka Siyaasada Inta Badan Falaqeeya Ayaa dhaliilay Dhex-dhexaadinta uu wado Turkigu Kaas oo ku sifeeyay mid Xulufo La Ah Dawlada Xamar,Waxaana ay Somaliland u soo jeediyeen in Ka baxdo Wada hadalka Madaamo oo dhinac u jan-jeedho Dalka Turkigu.
Hadalkan ka Soo yeedhay Siyaasi Maxamed Siciid Gees ayaa ku qotoma Waanooyin Uu u jeediyay Xukuumada Talada Dalka Haysa isaga oo u soo jeediyay in ay ku adkaysato gooni isutaageeda,Madaama oo Turkigu wado Sida uu sheegay Shantii somali wayn ee habow-day









