Burco (AN) Wariye Axmed Muuse Maxamed Oo ka Mid ah Wariyasha ka howl-Gala Magalada Burco ayaa Maanta Waxa Weerar Cadaan ah ku Soo Qaaday Askariga ilalada Gaarka ah Ee Badhisabka Togdheer Waxaanu Weerarkaasi Gacan ka Hadalka ah Ee Uu ku Soo Qaaday Askariga gaar ah Ee ilalada Badhisabku Uu Feedh Uu ku Dhuftay Wariyahaasi ka soo Riday Mid ka Mid ah Foolasha ilkaha.
![]() |
|
![]() |
|
![]() |
Weerarkani Cadaanka Ee Uu Wariyaha u Gaystay Askariga ilaaliya Badhisabka Ee Lagu Magacabo Xasan Uu Weerarkaasi Uu ka Dhacay Gudaha Xafiiska Badhisabka Oo Uu Wakhtigaasi Xafiiska Gobalka Uu ku Sugnaa Badhisabka Gobalka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye,Maayirka Degmadda Burco Maxamed Muraad iyo
Waliba Xubno ka Mid ah Hogaanka Nabad-Galyada Ee Gobalka Togdheer.
Wariye Axmed Muuse Sakaaro Oo isagu Wakhtigaasi ku Sugnaa Xafiiska Maamulka Gobalka isla Markaasna Gudanayay Wajibkisii Shaqo ayaa Waxa Uu Markaliya ka War Helay Hanjabaad iyo Feedh is Xiga Oo Uu u Gaystay Askariga Gaarka ah Ee Ciidanka ilaalada Badhisabku Mr Xasan Oo sida la Shegay ka Awood Haysta Badhisabka Togdheer isla Markaasna ay Wararka Qaar Shegayaan inuu Qorshahani Lagu Wax-Yeelayay Wariye Sakaaro Uu Soo Maleegay Badhisabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Oo isagu Mudooyinkii u Danbeyayba Hanjaabo iyo Waan idin Xidhayaa Ugu Hanjabayay Wariyasha ka Howl-Gala Gobalka Togdheer.
Wariye Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) ayaa isagu Wakhtigani Xaaladiisa Cafimaad Lagu Dabibayaa Mid ka Mid ah Cisbitalada ku Yaala Magalada Burco.
Waxaana Uu Wariyahani Waxyeelada Uu Soo Gadhsiyay Askarigani Uu Adeerka u Yahay Badhisabka Togdheer ay Waxyaladaasi Sahayatay Mid ka Mid ah Folasha ilkihii Sare iyo Waliba Dibinta Oo Uu ka Qabo Nabaro Waawayn,
Ilaa iyo imika Waxba Kama Qabanin Badhisabka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye Askarigaasi ah Boodhi Gaadhkiisa Khaaska ahi Waxyeelada Uu Soo Gadhsiyay Wariye Axmed Muuse Sakaaro.
Askariga Gaarka ah Ee ilaalada Badhisabka Togdheer Mr Xasan ayaa isagu Maalmihii u Danbeyayba Hanjabaado u Gaysanayay Qaar ka Tirsan Wariyasha ka Howl-Gala Magalada Burco,
Maaha Markii Ugu Horraysay Ee Uu Askarigani Waxyeelo u Gaysto Dadwaynaha Howlaha Shaqo Kaga Xidhmaan Xaruunta Maamulka Gobalka Togdheer Waxaana in Badan ay Qaar ka tirsan Cuqaasha iyo Waxgaradka Gobalku ay Badhisabka Togdheer u Gudbiyeen Warbixino ku Saabsan Sidii Uu Badhisabku u Bedeli-Lahaa Askarigani Caadaystay inuu iskala Degaalamo Wariyasha iyo Dadka Shacabka ah.











