Wararka Maxada Ka Taqaanaa Aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga: Mustafe Kamaal Ataturk By Berbera - February 10, 2015 0 FacebookTwitterPinterestWhatsApp Hargeysa (AN) Ataturk markii uu 12-sano jir ahaa ayuu ku biiray dugsiga millatriga. 1905-tii ayuu ka qalinjabiyay Akadeemiyadda Millatariga ee Istanbul. Mudane Ataturk waxaa uu sumacad wayn ku helay dagaaladii uu Talyaaniga kula galay Liibiya, iyo dagaalkii Balkans-ka ee socday intii u dhaxaysay 1912-1913. Waxaa loo aqoonsaday halyay kadib markii guutooyin uu hormuud u ahaa ay si adag isaga caabiyeen gaashaanbuurtii reer Yurub ee ku soo duushay. Ataturk isagoo oo 35 sano jir ah ayaa loo dalacsiiyay darajada Janaraalnimo kadib markii aad loola dhacay xirfadiisa Militaranimo. Atatark, kaalin mug leh ayuu ka ciyaaray dagaalki xorriyad doonka ahaa ee reer Turkey ay galeen intii u dhaxaysay 1919-1922. Waxaa uu bilaabay olole wadanimo, waxaana uu dagaal mindhicireed la galay gumaysitihii reer Yurub ilaa uu soo hooyay guushii xorriyadda. labo sano kadib, markii xorriyadda la qaatay, waxaa uu dowlad KMG ah ka sameeyay Ankara. Waddanka turkigana waxaa ka dhalatay dowlad Cilmaani ah markii uu Atatruki uu noqday Madaxweynaha dalkaasi ilaa iyo sanadii 1938. Intii uu Madaxweynaha ahaa, waxaa uu cilmaaniyeeyay waxbarashadii Trukiga, waxaa uu haweenka dalkaasi ku dhiirigaliyay waxbarashada, iyo in ay ka qaybqaataan kobcinta iyo horumarinta dhaqaalaha Turkiga. Waxaa uu maxkamadihii Islaamigahaa ku badalay maxkamado cilmaani ah oo madaniyaysan. Waxaa uu sidoo kale fartii carabiga ahayd ku badalay far Turkish alifbeetadeedu tahay Laatiin. Waxaa uu sidoo kale Ataturk aad u dhiirgaliyay hab labiska reer galbeedka. Ataturk waxaa uu dhintay sanadkii 1938, bishii Oktoobar, isaga oo 57 sano jir ah. Waxaa haatan Turkiga looga aqoonsanyahay Halyay himiladiisii ka guul gaaray, dhaxal iyo xasuusna kaga tagay jiilasha Turkiga.