Dagaal Foolka Fool Ah Oo Dhexmaray Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Maleeshiyaadka Suldaan Wabar

0

ciidankasomaliland-150x150

Qulijeed (AN) Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Dablay taabacsan Suldaanka Buuraha Somaliland iyo Ethiopia u dhexeeya galay ayaa iska hor imaad ku dhexmaray Degmada Qolujeed ee Gobolka Awdal, islamarkaana waxyar u jirta Xuduudka.

Inta la ogyahay Hal Askari ayaa ka dhaawacmay Ciidanka Qaranka,halka Haweenay rayid ahina ku dhaawacantay Rasaasta la iswaydaarsaday.

Kooxda weerartay Ciidanka ayaa iyagana la sheegay in hal qof laga qabtay.

Dagaalkan oo abaaro 10:00 Maalinimo bilaamay ayaa muddo saacad ku dhaw la is rasaasaynayay iyadoo markii dambena kooxda laga talaabiyay Xuduudka.

 

Arrintan ayaa ka dhacday Gudaha Magaalada Qolujeed,halkaasi oo labada Dhinac iskugu soo galeen.

Wararka qaar ayaa sheegay in Ciidanka Somaliland oo halkaasi ka Dukaamaysanaya ay ugu soo galeen Kooxda oo iyana muraad u leh Tuulada.

Dad xogogaal ah ayaa Warbaahinta  u sheegay in Kooxdu si dhuumaalaysi ah u soo gasho Degmada islamarkaana Muraadkooda ka fushadaan kadibna Xuduudka ka talaabaan.

Ilaa hadda ma jiro Warar dhinaca Xukumadda iyo Ciidanka Qaranka ka soo baxay,balse tan iyo dhawr Bilood ka hor markii Suldaan Wabarka falaagoobay galay Buuraha Ethiopia iyo Somaliland u dhexeeya gaar ahaana Awdal ayay Gobolkaasi ka jireen Xiisado amaanka lagaga walaacsan yahay.

Gobolka Awdal ayaa ahaa meelaha Somaliland ugu amaansan tan iyo markii Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay