Minneapolis(AN)Joornaalka The Independent ee dalka Ingiriiska ayaa sheegay in xadhigii lagu deldelay madaxweynihii hore ee dalka Ciraaq Saddam Xusien lagu iibinayo 7 million oo Dolar suuq xaraash. Joornaalku wuxuu sheegay in wasiirkii Saddam u daadaheeyey goobtii lagu deldelayay 2006kii hayay xadhigan mudadaas oo dhan,waxaana aad u danaynaya inay iibsadaan dad kala duwan oo ay ka mid yihiin,nin ganacsada ah oo reer Kuwait ah,qoys maalqabeen ah oo reer Israel ah iyo Bank iyo hay’ad diini ah oo reer Iiraan ah.
Waxay intaa ku dartay joornaalku in wasiir Muwafaq Al-rabiici uu ku haystay qolka hurdadiisa xadhigii qoorta loosudhay sanamkii Saddam Xussien.dadka qaar ayaa dalbanaya in lacagtaa lagu soo shubo khasnada xukuumada








