Madaxwaynaha Somaliland Isku Shaandhaynta Uu Sameeyey Habeenkii Xalay Ahaa Ayaa Ahayd Mid Dad Badani ka Naxeen Isla Markaana Ay U Qaadan Waayeen

0

download1Burco(AN)Madaxwaynaha Somaliland Isku Shaandhaynta Uu Sameeyey Habeenkii Xalay Ahaa Ayaa Ahayd Mid Dad Badani ka Naxeen Isla Markaana Ay U Qaadan Waayeen Maadaama Ay

Ku Jiraan Rag Ka Tirsan Asxaabra Mucaaradka Ah Gaar Ahaan Xisbiga Wadani.

Masuuliyiintaas Waxaa Ka Mid Ah Badhasaab Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Loosoo Magacaabay MudaneMaxamed Diiriye Xayd (Dibjir)Oo Ka Tirsan Xisbiga Wadani Kana Mid Xubnaha Dhul Jiifka Ah Ee Hoosta Ka Maamula Siyaasada Xusbigaasi Uu Ku Shaqeeyo.

Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) Waxa Uu ka Tirsan Yahay Xisbiga Wadani Waxaana Uu Xilal Kala Duwan Kasoo Qabtay Gobolkani Isagoona Mar Soo Ahaan Jiray Maayirka Degmada Burco Sanadadii U Danbaysayna Waxa Uu Ka Mid Ahaa Dadka Siyaasadoodu Daaha Dabadiisa Ku Jirto Isla Markaana Soo Gooya Go,aanada Kama Danbaysta Ah Ee Xisbiga Wadani Khaasatan Gobolada Bari ha Ugu Badnaadaan Burco Ee.

Hadaba Jaah Wareerka Siyaasadeed Ee Ka Muuqda Xukuumada Somaliland Oo u Saamaxday Inuu gudoomiye Ku Xigeen Ka Noqdo Gobolka Togdheer Ayaa Waxaa Is Waydiin Leh Maxamed Diiriye Xayd (Dibjir) Maxa Uu Noqon Doonaa Nin Ku Hadla Afka Xukuumada Kana Baxa Hawlihii Iyo Shaqa Hoosaadkii Uu ka Hayey Xusbiga Wadani Mise Waxa Uu Noqon Doonaa Laba Wajiile Ukala Adeega Xukuumada Iyo Xisbiga Wadani Mise Waxa Uu Noqon Doonaa Dantii Yaqaan Oo Waxa uu Faraha Kala Bixi Doonaa Hawlihii Gaarka U ahaa Oo Waxa Uu Maalinba Fadhiisan Doonaa Halkii Dantiisu Ku Jirto.

Su,aalahaas Ayaa Jawaabtooda Waxaa La Heli Doona Marka Uu Shaqada Bilaabo Walaw Ay Xukuumada Somaliland Gabo Gabo ka Tahay Isla Markaana Ay u Dhamaadeen shantii Sano ee Ay Xukuumada Kulmiye Xukumaysay Dalka.

Badhsaab Ku Xigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Oo Ahaa Nin Dhex U Ah Bulshada Gobolk aTogdheer Isla Markaana Lagu Kalsoonyahay Isla Markaana Ahaa Masuul Qaran Oo Yaqaan Hawlaha Shaqadiisa oo Seeftu Haleeshay Isaguu Fadhiya Kursigaasi Ayaa Waxaa Iswaydiinteeda Iyaduna Leh Kulmiye Wadani laga Doortay Muxuu Samayn Doonaa,Ma Waxa Uu Ka Mid Noqon Doonaa Xisbigaa Laga Doortay,Mise Waxa uu Noqon Doonaa Nin Hawlihiisa Gaarka Ah isla Wata Oo Ka Baxa Siyaasada Laba Wajiilaha Ee Ka Dhanka Ah Xukuumada Iyo Mucaaradka.

Barnaamijka Badheedhaa Caynaba News waxa Uu Idiin Soo Bandhigi Doonaa Halka Ay Ku Danabayso Siyaasadaas Labada DHinac Waa Asxaabta Wadani,Ucid Iyo Kulmiye Iyo Xukuumadooo Wada Socdee.