Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Guddida Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Uga Warantay Xaalada deegaan ee dalku maraayo.

0

 

wasiir

 

 

 

 

 

 

 

 

Hargaysa(AN) Wasiirka Wasaaradda Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare Ayaa Maanta Ka hor Akhriday waxqabadkii ay ku Talaabsay Intii Ay xilka Haysay Gudida Joogtada Ah ee Golaha Guurtida.

Guddoomiyaha Gudida Joogta Ah ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Aw Axmed Ayaa wasiirada ku Amaanay Kaalinta Muuqata Ee Ay wasaarada Gaadhsiisay.

Wasiirada ayaa ka waranta Siday u xakamaysay Ugaadhsi Duur-Joogta iyo Xakamaynta Dhuxusha oo Ay sheegtay in Horumar Badan Laga gaadhay.

Waxa ay intaasi Raacisay in Shaqaalah Ay siiso Tareerino Badan Sanadkan Laga Beeri Doono Dalka Laba Boqol iyo Konton Geed oo Dhir Ah waxaana ay tidhi.

“Hortu Wasaaradani waxa ay u xilsaaran Tahay ilaalinta Deegaanka iyo Dhawrsita Deegaanka,Deegaan Markad Maqashaan waxa weeyaan Halkan Ay ku taaganay Hawada Ay neefsanayno,Biyahaas Badaha iyo Wixii Noole ku Dul Nool ayay Soo Koobtaa,Waasaradanina waxa ku Tiirsan Boqolkii Boqol Xukuumada.

Intaas wasiirku waxa ay ku dartay Iyada oo hadalkeeda siiwada waxaana ay tidhi.”Ka wasaarada Ahaan intaanu Joognay Wasaarada wax Noo Qabsoomay Wax yaabo Badan,waxaanu dib u eegsi ku samaynay Xeerarkii Wasaarada oo ka Kooban Saddex Xeer kii soo baxay 1994kii Dib u eegis ayaa Lagu sameeyay oo ahaa kaymaha Dhula Daaq-simeed iyo Ugaadh waana uu naga soo Gudbay Hadana waxa uu Hor Yaal Golaha Guurtida.

Wasiirka wasaarada Deeganka Ayaa Intaas waxa ku dartay iyada oo hadalkeedii Siiwada waxaana ay Tidhi.”Xeerarka Kale ee hadhsani waxa weeyaan Xeerkii waynaa ee Dhamaan Dabaqayay Deegaanka oo dhami waxa uu yahay Xeerkaas Gacanta ayaanu ku haynaa waana Lasoo dhameeyay Laba Cisho Ka diban Waanu dhamaynayaa Kal Fadhiga ugu Horeeya ee Golaha Wakiilada,Ka Kalena waxa weeyaan Xeerka Qashinka,Xeerarkii Aanu ku shaqayn Lahayn Halkaas ayay Marayaan.

waxa ay wasiirku sheegtay in dhamaan Gobolada Dalka oo dhan ka Dhistay Xafiisyo Ay leeyihiin shaqaalaha u jooga Gobolada Kaas oo ay ka Caawiyeen Haay’ado ,iyada oo xustay in Shaqaalaha si ay Shaqada loogu Talo galay ay u qabtaan Siiso Tareerino Kor loogu qaadayo Aqoontooda.

“Sanadkan waxanu Gobolada oo dhan ka Bixinay Sodon Kun Oo Geed si ay Dhirtu u Kobcaan Madaamada oo Xaaluf Ku socdo oo dhirtii laga shidayo Dhuxul,Sanadkana waxa noo qorshaysan Inaanu Bixin Laba Boqol iyo Konton kun Oo Geed,Imikadana Aan idin La fadhiyo Boqol iyo Konton Geed waxa ay Noogu jiraan Dhiilasha wasaarada,waxaanan Rajaynaynaa ilaa bisha Shanaad inaanu Boqol iyo Sideetan Dhir ku beerno Wasaarada.

Sidoo kale wasiirku waxa ay sheegtay Shidida Dhuxusha in Faro Baas Lagu Hayo Guri Kastana Laga Isticmaalo,waxa ay Cadaysay Bishii Kali ahayd in ay reerka Xaaska Ahi shitaan Saddex Gad-badood oo dhuxul Ah,Walaacna Wasiirku waxa ay ka Muujisay Hadaan Lajoojin Shiditaanka Dhuxusha in ay Dhirtu Dabar Go Ku dhawdahay.

“Xaalufkan Badan waxa keentay Dhuxul Badan oo Dibada inooga Baxday,Dhulkeenuna Waad ogtihiin oo Saxaraha ayaa waxa uu ka Sareeyaa Hal Darajo,dadku waxa ay u baahan yihiin in laga Wacyi Galiyo Jarida Dhuxusha Loona Kaxeeyo in ay shitaan Shooladaha,Anaga oo ah wasaaradii Deegaanka iyo wasaarada Ganacsigu waxaanu isla eegnay sidii Qiimaha Gaasta Hoos loogu dhigi Lahaa,Taasna waanu ku Guulaysan Doonaa.

Dhinaca kale wasiirka Deegaanka Iyo Horumarinta Miyigu waxa ay sheegtay in ay Ugaadhii dalka Joogta Gashay Ganacsi,wasaarada Deegaankuna Qab-qabtay Dad Si Sharci Daro Ah u ugaadhsanaya Taas oo Maxkamada Lasoo Hortaagi Doono Waxaan ay tidhi.

“Gobolo Kasta way ka jirtaa Ugaadhsiga Sharci darada Ah ee ugaadhi,Ha ugu Badnadaan gobolada Dikadaha Leh,Saakadaas waxa La ii soo sheegay oo qaylo Dhaani ka Soo baxaysay Gobol Ka mid Ah gobolad Dalka oo ugaadh Lagu qabtay,Iyada oo Aanu sharci ka Soo saarnay iyada oo Sharcigu Mam-nuuc ka dhigayo,ayaa hadana Rag indha Adayga Dhameeyay oo Somaliland Ah ka Ganacsadaan Ugaadha,Talaabo ayaanu ka Qaadi Doonaa Anaguna.

Xildhibaanada Golaha guurtida Ayaa iyaguna Waydiiyay Su’aalo Kaas oo Gabi Ahaanba Wasiirku si fiican uga Jawaabay una Bal-balaadhiyay kuwaas oo Wasiir ku amaanay iyaguna Sida wanaagsan ee ay Deegaankii Iyo wasaaradiiba ku ugu soo qaaday