
Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa Isniintii shalay ka badbaaday weerar bambaano xili uu shalay ka qeyb galay xaflad ay xisbigiisa ku dhigteen Staduimka magaalada Gombe.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qaraxa waxaana ku dhaawacmay 7 kale. Weli cid ma sheegan qaraxan balse waxaa la filayaa inay ka danbeyso kooxda Boko Xaram.
Qaraxa ayaa dhacay daqiiqado kadib markii Goodluck Jonathan ka baxay Staduimka Gombe oo uu ka dhacayey isu soo bax ay soo qaban qaabiyeen xisbigiisa.
Weerarkan bambaano ayaa loo adeegsaday gaari lasoo saaray waxyaabaha qarxa oo ku qarxay meel 200 mitir u jirta goobta laga galo Staduimka uu booqday Madaxweynaha Nigeria oo xiligan ku jira ololaha doorashooyinka.

Doorashada dalka Nigeria ayaa lagu wadaa inay dhacdo 14ka bishan Feberaayo, waxaana horey loogu eedeeyey hogaamiyaha Nigeria inuusan wax badan ka qaban khatarta iyo weerarada Boko Xaram balse ku mashquulay sidii uu xukunka usii heysan lahaa iyo doorashada soo socota.








