Arabsiyo(AN) duqa degmada Gabiley oo weheliyaan xildhibaano golaha deegaanka Gobolka Gabiley ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay qurbajoog kasoo jeeda gobolka Gabiley oo uu weheliyo xildhibaan kasoo jeeda golaha deegaanka ee caasimada Hargeysa. hadhimo sharafeedkan oo lagu qabtay magaalada Arabsiyo
ayay ka mahadceliyeen qurba joogii sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay magaalada Arabsiyo iyagoo sigaara ugu mahadnaqay maayarka degmada Gabiley Shucayb Maxamad Muuse iyo xildhibaanadiisa golaha deegaanka, waxa kale oo ay sheegeen inay wax badan kala qaban doonaan sidii ay wadada Isku xidha Alaybaday iyo Arabsiyo unoqonlahayd mid dhamaystiran.
dhanka kale waxa ay usoo jeedisay maayarka degamda Gabiley inuu halkaa kasii wado dedaalkiisa kana midho dhaliyo mustaqbalka sidii ay iskugu xidhmi lahaayeen qurbajooga iyo guda jooguba,
waxa kale oo isna halkaa hadalo mahadnaq ka jeediyay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka caasimada Hrageysa kana soo jeeda Gobolka Gabiley Xildhibaan Xasan Shahar isagoo u mahadnaqay maayarka degmada Gabiley sida wanaagsan ee uu hadhimo sharafeedka ugu sameeyay, sheegayna inay taariikh tahay maadaama oo uu Arabsiyo joogo hoygii wax soo saarka Somali Land, xusuusiyan beertii sida gaarka ah loogu casuumi jiray aabihii Somali Land alla ha unaxariistee Maxamad Xaaji Ibraahim CigaaL.
iskusoowadaduuboo Mayar Shucayb ayaa mudadadii uu majaraha u hayey golaha degaanka Gabiley qurba joog badan ku casuumay Degmada Arabsiyo sidoo kalena laba saafar dibada ku tagay isagoo balan qaadyo tiro badan kahelay qurba joogta gobolka laakin waxaan ilaahada aan cadayn qurbajoogta Gobolku balan qaadyadii ay sameeyen halka ay ku danbeeyen waxa kale oo Mayer shucayb balan qaaday in uu ururin doono qadhaan dooxa Arabsiyo sidii biyaha loogu samayn lahaa biriij kaas oo khatar ku haya bulshada iskaga kala gooshaysa ,taas oo aan la hayn qadhaankii uu ku yaboohay iyo inta xisaab ah ee uu hayo waxa kale oo Mayarku dhaqaalahay balan qadaan qurbajoogu halkay ku dhacdaa suaashu waxay tahay Maayar shucayb qurbajooga gobolka hadhimo sharafeedka miyuu ku baadhaa waaa su aal furan oo la xisaabtankeeda cidkasta utaal
Arabsiymedia.com
Muuse Xuseen Xasan
Arabsiyo Office











