Hogaanka Dhaqanka Awdal Oo Si Adag Uga Hadlay Muranka SONYO, Tabashadoodana U Aaneeyay In Madaxdhaqameedka Beesha Dhexe Ku Fadhiyo –

0

Boorama(AN) Muranka ka taagan Hogaanka Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO,ayaa yeeshay Waji Qabiil, kadib markii Hogaanka dhaqanka Bulshooyinka labada Musharax ka soo jeedaan Saxaafadda isku dhaafsaday haddalo ay ku taageerayaan Musharaxiintooda.
Gada Buursi
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray,oo ka hadlayay Munaasibad Ururada Hogaanka SONYO u doortay Cabdicasiis Xirsi Warsame ugu wareejinayeen Xilka SONYO, waxa uu Xukumadda u soo jeediyay inaan Gudoomiyaha SONYO lagu qancin Karin ama lagu bogsiin Karin tabashada Bulshada Reer Awdal ee ku salaysan Mansabyada Qaranka, sida Wasaaraddaha Muhiimka ah iyo meelaha ka sarreeya.
Hase ahaatee Hogaanka Dhaqanka Bulshada Reer Awdal ayaa Shir Jaraa’id oo ay Isniinta Maanta ku qabteen Boorama ugu jawaabay Suldaan Xiiray iyo Salaaddiinta kale ama cid kasta oo taabacsan Garabka Cabdicasiis Xirsi Warsame,waxaanay ku doodeen in Musharaxii ka soo jeeday Awdal Mr Siyaad iyo ku xigeenkiisa oo Sool ka soo jeedaa yihiin Hogaanka sharciga ah ee SONYO.
“Waxaanu aad iyo aad uga soo horjeednaa habeenkii dhawayd Salaadiintii aanu Xushmada u haynay ee soo istaagay Shaashadaha Telefishanada,iyagoo arrin qabiil oo qaawan isku bahaysanaya iyagoo Cabdicasiis oo ahaa Ninkii lagaga helay doorashadii Dalladda leh isagaa loo doortay Gudoomiyaha Dalladda, arrinkaas aad iyo aad baanu ugu xunnahay” ayuu yidhi Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar.
Salaadiinta Awdal waxay sheegeen in Muddo dheer la soo dooran jiray hogaanka Dalladda Sonyo, islamarkaana si fiican loogu kala bixi jiray balse arrinta hadda keentay in la isku qabsaday ay u macnaysanayaan in laga soo horjeedo Gudoomiyaha oo reer Awdal noqday.
Suldaan Samatar waxa uu si gaara ugu jawaabay Suldaan Xiiray “Saaxiibkay Suldaan Xiiray si gaara ayuu arrinkaas ugu tiiq-tiiqsaday, isagoo iska dhigaya inuu Awdal iyo Salal wax u doonayo, ayuu afka ku balaadhiyay oo yidhi Awdal uma baahna Inan yar oo Gudoomiye ahe waxay u baahan tahay kan iyo kan intuu wax tiriyay. Waxaanu leenahay Suldaanka Annagu haddaanu wax tabanaynay Madaxweyne iyo Madaxweyne xigeen ayuu dalku leeyahay,halkaas ayaanu saamigayagii noo yaalaa laakiin, fartaada waanu fahmaynaaye waxaad wax la doonaysaa inanka yar ee aad Adeerka u tahay”
Salaaddiinta Awdal waxay sheegeen inay markii hore u arkayeen tabashadooda mid ay sababtay Xukumadda balse haddii aan laga noqon muranka la galiyay dalladda SONYO ay u qaadan doonaan in Saami qaybsigooda ay ku fadhiyaan Madaxda dhaqanka iyo Bulshada “Bulshada reer Awdal ilaa shirkii hadda soo gabogaboobay waxay ka hadlayeen Saami Qaybsi, waxay dareemayaan dhego adayg badan, dee waxay imika u muuqataa awal Xukumadda uun baalagu sii jeedaye in halka ka sii xuni tahay Hogaamada dhaqanka iyo shacbiga kale” ayaa ka mid ahaa hadalka Madaxdhaqameedka.
Shirweynaha Dalladda SONYO oo muran hadheeyay dabayaaqadii sanadka dhamaaday ayaa illaa hadda uu taagan yahay murankii ka dhashay. Xukumadda ayaa taabacsan Musharax Siyaad oo ka soo jeeda Gobolka Awdal,waxaana arrintaasi aqbali waayay Musharax Cabdicasiis oo ka soo jeeda Beesha dhexe ee Somaliland.
Waa markii u horaysay ee Arrimo qaybaaladaysan lagu dareemo Dalladda SONYO,islamarkaana Madaxda dhaqanku isku qardooftaan.
Arabsiyonews.net-desk
Boorama-Somaliland