Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Maraykanka Oo Ganaax Lacageed Lagu Xukumay Iyo Sababta Keentay + Daawo

0

images-1-150x150Dawlada hoose ee magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa khamiistii ganaax lacageed u jartay xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka John Kerry, ka dib markii uu baraf tuulmay gurigiisa uu iska guri waayay.

Xaafada uu degan yahay John Kerry ee magaalada Boston oo lagu magacaabo, “Beacon Hill”, ayaa lagu ganaaxay konton dollar oo lacag ah sida uu cadeeyay Maayarka Magaalada Boston, Martin Walsh, oo ka hadlay ganaaxan la saaray John Kerry.