Dhaqaalaha Somaliland Oo La Saadaaliyay In Sannadka 2015 Uu Kor u Kacay 4.5%

0

Hargeisa (AN)  Sida ay saadaalisay Jariidada Economist ee ka soo baxda dalka Ingiriiska ayaa saadaalisay in sannadka 2015 uu dhaqaaluhu kor u kici doono 4.5%-kiiba.
Warbixintan ayaa lagu sheegay in waddanka sida ugu weyn u saamayn doonto dhaqaale la’aantu noqon doono dalka Sierra Leone, sababo la xidhiida xanuunka Ebola ee ka dilaacay waddamadda Waqooyiga Afrika qaarkood.
Warbixinta Jariidada Economist ayaa lagu sheegay in marka laga yimaado Japan, qaarada Aasiya iyo Australia noqon doonaan meelaha koboca ugu horeeya gaadhi doona.

hase yeeshee waxay saadaashu ka dayrisay dhaqaalaha galbeedka Afrika iyo Qaaradaha europe.

Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa xilli miisaaniyadda qaranka Somaliland laga dareemayo koboc sare sannadihii u dambeeyey, isla markaana sannadkani yahay kii ugu badnaa intii jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madax-banaanideeda, inkastoo cabiraada koboca dhaqaalahu aanu keliya ku xidhnayn koboca miisaaniyadda, haddana wuxuu ka qeybqaadanayaa awooda wax-iibsiga dadka iyo guud ahaan qiyaasta horumarka iyo dhismaha kaabayaashiisa.