Hargeysa(AN)Dawro lagu soo bandhigayay Muxaadarooyin ku aadan Qoyska Muslimka ah oo kudhawaad 2 todobaad ka socotay Masjid Cali Mataan ee Magaalada Hargeysa, ayaa Xalay loo qabtay Munaasibad gabogabo ah. Waxaa Xafladdaasi lagu soo bandhigay qodobo ku saabsan Wanaajinta Qoyska iyo Akhlaaqda Ubadka oo ka soo baxay Lafo gurkii Arrimaha Qoyska ee Culimada waaweyn ee Dalkan Somaliland.
Dawraddan ayaa intii ay socotay lagu soo bandhigay Caqabadaha haysta Qoysaska Muslimka ah iyo siyaabaha looga bixi karo oo lagu soo koobay Qodobada ka soo baxay Dawradda.
Sheekh Cabdiraxmaan Aw-Axmed Cabdi ayaa Xafladda ka akhriyey qodobadii kasoo baxay dawradan muddada soo socotay, kuwaasoo isugu jira Baaq iyo Dardaaran ku waajahan bulshada waxaanay qodobadaasi kala ahaayeen sidan:
Ø In la ogaado Cabsida Alle.
Ø In la fudaydiyo dhismaha Qoyska Muslimka ah.
Ø In la ilaaliyo waaritaanka qoyska dhismay
Ø In lagu dedaallo barbaarinta ubadka.
Ø In la ilaaliyo dhallinta qaan-gaadhka ah, feejignaan gaar ah-na loo yeesho hab-dhaqankooda.
Ø In laga ilaaliyo ubadka aafaadka mukhaadaraadka, qabyaaladda, is-kooxaysiga iyo tahriibka.
Ø In la barto daruuriyaadka diinta, ubad iyo waalidba.
Ø In la iska kaashado baaqqa iyo dawcawadda diinta.
Ø In la ilaaliyo nabad-gelyada.
Ø In la kaantaroollo oo itaalkood Shirkadaha Isgaadhsiintu ay xannibaan fawaaxishka Internet-ka.
Ø In laga feejignaado oo ganacsatadu aanay keenin dharka tolan ee diinteenu aanay ogolayn.
Ø In loo wada kaco barashada iyo ku dhaqanka diinta suubban ee Islaamka.
Culimada Khudbadaha ka jeedisay xidhitaankii Dawraddan ayaa sheegay in Baaqan Bulshada la gaadhsiinayo ka dib ay qaadi doonaan Olole wacyi galineed oo lagu hirgalinayo Qodobadan iyo wixii kale u dan ah Akhlaaqda iyo habdhaqanka wanaagsan ee Bulshada. Ololeyaasha ayaa laga bilaabayaa Waaxyaha Hargeysa ka kooban tahay kadibna loo gudbin doonaa degaamada ka baxsan.








