Badhasaabka AWDAL Oo Ka Waramay Dablay Hubaysan Oo Rasaaseeyay Guriga Uu Ka Deggan Yahay Borama & Baadhitaanka Weerarkii Saldhigga

0

image52Badhasaabka Gobolka AWDAL, Cabdoo Axmed Aayar, ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee gobolkaasi, gaar ahaan Magaalada Borama, waxaanu ku taliyey in Magaalada habeenkii laga daayo rasaasta laga dhex ridayo.
Badhasaabka oo shalay saxaafadda kula hadlay Borama, ayaa sheegay in ilaa hadda baadhitaan lagu wado dablaydii rasaaseysay saldhigga booliska ee Magaalada Borama toddobaadkii hore, laakiin saddex habeen ka hor dablay kale rasaas ku rideen gurigiisa Magaaladaasi.
Cabdoo Axmed Aayar, oo ugu horeyn ka hadlay natiijada shirkii GOB, ayaa yidhi “Gobolka AWDAL waxa lagu yaqaanay dad nabadda, wanaagga iyo horumarkaba jecel, laakiin markii Suldaan WABAR baxay weji kale ayay u muuqdeen, waxaanse aad ugu faraxsannahay baaqii ka soo baxay shirkii beeshu ku yeelatay deegaanka GOB, baaqaasi oo ahaa mid aad iyo aad u qurux badan, waanan ku hambalyeynayaa qodobbadii shirkaasi lagu gabogabeeyay”

 Guddoomiye Aayar, waxa uu farriin u diray kooxda Suldaan Wabar “Waxaan leeyahay tallaabadaa ay qaateen bulshada gobolka, Madax-dhaqameedkiisa, culimada, waxgaradka, aqoonyahankiisa waa inay u cuntantaa oo ku soo noqdaan saxaafadda nabadda inta ka baxday ee uu Suldaan Wabar ka mid yahay, ee Cabdi Buur ka mid yahay iyo inta kale ee ay duufsadeen, waxaan leeyahay dantiinu halkaa ayay ku jirtaa oo la dhigay, markaa aad baan u hambalyeynayaa go’aamadii ka soo baxay shirkii GOB, inkasta oo aan jeclaa in gunaanadka la igu casuumo, maadaama oo aan ahay masuulka ugu sareeya gobolka” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray isaga oo ka hadlaya baadhitaanka lagu hayo raggii rasaaseeyay saldhigga booliska ee Borama “Waxa dhacday in budhcad dablay ahi ay saldhigga booliska ee Borama soo weerareen, dablaydaasi waxay ahaayeen dablay aan abtirsiimo lahayn, waa dablay aan cidna sheegan, waxay ahaayeen niman intay rasaas fureen cararay markii iyagana lagu furay, cid lagama qabanin, laakiin baadhista raadkoodii iyo halka ay ku dambeeyeen ama ka yimaaddeen ayaa socda. Laakiin habeen saddexaadkii waxa tacshiirad lagu furay guriga badhasaabka oo aanaan markaa anigu joogin 2-dii habeennimo, laakiin askarta gaadhka ah oo heegan ku jiray ayay wejiga u martay oo ay jiidhay (Rasaastii lagu furay gurigiisa), iyaguna (Gaadhka) rasaas ayay rideen, cidna kuma dhicin oo wax khasaare ahi kama imanin”