GOLAHA GUURTIDA SOMALILAND OO CODSADAY IN LOO DAAYO SIDII XAL LOOGU HELILAHAA ARINTA SULDAAN WABAR,SHEEGAYNA INAANAY WASIIRO WAXBA KA TARAYN.

0

Hargaysa(AN)Guddoomiyaha Gudida Arrimaha Gudaha iyo Nabad-gelyada ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye Ayaa sheegay Kaalintii ay Golaha Guurtidu ku lahayeen Arimaha Nabada in ay Xukuumadu Ka fara Maroojisay.

waxa uu sheegay in Xukuumadu Wasiiro Aan dhaqanka waxba ka garanayn in ay u dirtay Suldaan wabar,isaga oo soo jeediyay in Golaha Guurtida Arinka Suldaan wabar loo daayo.

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye wuxu sheegay in Xukuumadii ay isku koobeen beelihii dhexda isaga oo cadeeyay in Beelihii darafyada ay Tabayaan Xaqii ay ku Lahayeen Xukuumada.

Dhinaca kale Mudo Kordhin La sheegayay in ay Golaha Guurtidu Xukuumada u wadaana waxa uu ku sifeeyay Mid Aanay waxba ka Jirin.

Ugu Horayna waxa

uu ka hadlayaa arinta Suldaan wabar iyo sida ay xukuumadu uga Hawl Gashay.

“Marka Hore ka Guurti ahaan inaanu ka hawl Galno Suldaanka Diidan Qaranimada somaliland waajib ayaa Naluugu leeyahay Dawladuna Runtii way isku xidhan tahay,Shaqadii aanu Anagu Lahayn Waa Nalaga Qabsaday,Mudo Dheerna waxaan Ahaa Guddoomiyihii Nabad Galiyada ee Golaha Guurtida ayaan ahay ilaa maalintii Ladoortay Madaxwaynahii ina Cigaal Nabad Galiyada Ayaan ku shuqul Lahaa,Xukuumadii Maanta iyada ayaa wixi isku koobtay Halkii Aan Anagu ka tagi lahayn Afar wasiir ayaa Ka tagay Afartii wasiirna Dhaqankii Garan Mayaan.

waxa uu intaas ku daray Guddoomiyaha Gudida Nabad Galiyadu.”Hadii uu suldaan Duur galo iyo hadii Banaan joogaba anaga ayaa isku dhaqan ah oo garanayna Xeerkii dhaqan iyo salaadiinta,xeerbaa naga dhaxeeya Dastuurkuna waxa uu odhanayaa guurtu marka ay Arimaha Nabad Galiyada Qabanayso waa in ay Guurtida latashataa,Xukuumadu hadii ay wixiiba isku koobtay o ay tidhi anaga aya ku filan anaguna waanu ka fadhiisanay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kaalintii ay ku lahayeen Guurtidu arimaha Nabadaynta in ay Xukuumadu isku curdu Duubtay,waxaana uu iftiimiyay in k aka gaabiyeen isaga oo bayaamiyay inuu dalka iyaga ka dumayo ee aanu wasiir ku shaqo lahayn.

“Boorama waa Hooyadii Somaliland waana Halkii ay Nabad Galiyada Koobaad ka soo bilaab Matay,waxaanan leenahay Reer awdal waxbay Tabayaan ee wixii hala siiyo taasi war-wareeg maleh,Hal wasiir iyo laba agaasime dalka way ka go’i karaan waa in lasiiyaa,Shirkoodii ayay ku jirtay Anagu Nabad galiyada waanu ilaalinaynaa ee cabashadayada hala Fuliyo.

Dhinaca kale waxa uu soo jeediyay in dhalinyarada rabshad wadayaasha ah wax laga qabto isaga oo ku sifeeyay qaar gaadhay heer budhcad-nimo,waxaana uu soo jeediyay hadii aanay xukuumadu waxba ka qabanayn Suldaan Wabar in loo daayo golaha Guurtida si ay uga Gutaan waajibaadkooda sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ka hadlay mudo kordhin lasheegay in ay golaha Guurtidu xukuumada u samaynayaa tas oo sheegay marka la arko xaalada uu dalka ku jiro inaanay doorasho qabsoomay in ay sameeyaan mudo kordhina waxaana uu yidhi.

“waxaan leeyahay Mudo kordhinta adeer iskagama Dhufano duruuf ayaa keentay Markaas markaanu eegno xaalada dalka,waxaana uu samaynaa mudo kordhin lakiin Mudo kordhintaasi kama Badato lix bilood Am sanad,waraaq cad oo nalo keeno oo layidhaa iska saxeexa anagu ma aqbalno.

Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye ayaa sheegay in somaliland Aanay ku soo uruurayn Dhexda oo kaliya Balse loo baahan yahay in ay Xukuumadu Dar-dar Galiso Beelaha Darafyada dadkuna isku si wax uwada haleen.