Wasiirka Biyaha S/land oo ka dayriyey biyo yaraan ka jirta dalka

0

Hargaysa(AN)Wasiirka Wasaarada Biyaha Jamuuriyada Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle ayaa Maanta ka hadlay Baahida Biyo ee ka Taagan Dalka iyo Ka wasaarada Ahaan Qorsha u yaala oo uu sheegay inaanay awood badan u lahayn in Baahiyaha Biyaha Dhamaystiraan.

Waxa uu sheegay in ay Dadaal Dheer ugu jiraan sidii Bulshada u heli lahayd Biyo,waxaana uu sheegay Lixda Gobol waawayn in laga qodayo 18toban ceel,Halka Gobolada ku teedsan Xuudahana Loo Samaynayo Biyo Xedheeno Am dhaamam.

Xuseen Axmed Cabdulle waxa uu iftiimiyay in Safarkii uu madaxwaynaha somaliland Gobolada ku Soo marayay ay ku soo arkeen Baahida Biyo la’aneed,Wasaarada Biyahana waxa uu ku sifeeyay Mid U

taagan in Ay ka dhabayso in meelkasta laga soo saaro Biyo Macaan.

wasiirku waxa uu sidaas ku sheegay mar uu maanta Xafiiskiisa ugu Waramayay Warbaahinta Madax Banaan waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay.

“Sidaad wada Ogsoontihiin Biyahu waa Nolol Hadaanay Biyo Jirina Nololi Majirto,Dhulkii Aanu Soowada Marnay oo dhami Waa ay Xaqiijiyeen Waana ay noo shegeen Baahiyaha goboladaasi ka jira ee ay u qabaan Biyaha,Madaxwaynaha Somaliland waa uu balan qaaday wixii ay kala qaban Karaan dadkaasi inuu La qabto,Baahida Meesha ka jirta Lakiin Maalin iyo Labatooba Laguma Dhamayn Karo,dadaal wayn ayaanu iska Saarnay Xaga Biyaha imikana waanu iska Saari Doonaa.

Waxa uu sheegay in La bixiyay 18 Ceel oo laga qodayo Gobolada Dalka oo dhan kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhex Jiraan Goboladii Maalinta dhawayd Lamagacaabeen, isaga oo carab dhabay in Goboladaas Yaryarna Laga samayn Doono Dhaamam waxaana uu yidhi.

“Ceelashaas aan idiin sheegay Hada waxa Socda Shantii ugu Horaysay oo la bixiyay Qandaraas koodii ugu Horeeyay hadana in kasta oo ay Hawshi yara Hakatay Dhinaca Farsamo,Sida ugu dhakhsaha badan 13kii ugu danbeeyayna Si dhekhsa Ah ayaa Loo xayaysiin Doonaa Si ay Shirkadihii Bilaabi lahaa U yimadaan,waxa kale oo qorsha noogu jira inaanu samayn Biyo Qabatimo iyo Dhaamam waawayn.

Wasiirk wasaarada Biyaha Somaliland Ayaa sheegay in Dhaamamku yihiin Qaar Laga Maarmaan Ah oo waajiba kuwaas oo biyaha Haynaya Sida uu sheegay Sideed bilood ilaa Sagaal Bilood Biyaha Lagu Shubo kuwaas oo laga Cabi Doono waxaana uu yidhi.

“Waxaan ku Rajo waynahay inaan Sameeyo Lix Dhaam oo waawayn oo ku Teedsan Xuduuda Somaliland,waxaana ka Mid Ahaa Dhaamamkaas Baligubadle,Sangale,Khaatumo,Bali Dhiig,Labi Sagaale iyo Farowayne oo 1974kii uu sameeyay world Bank kuwaas oo dayac Tir u baahan,Labadii ugu horeeyayna waxa soo dayac Tirta Haay’ad inkasta oo Aanan Lasoo Wareegin,Afarta Kalena waxa ay ii shegeen in ay dhamayn Doonaan,Hadaanu Afartaas isku darno Baahi wayn oo xaga Biyaha Ahayd Ayay naga Kafayn Doontaa,Dhaamkuna waa waxa kaliya ee aanu kaga Kaafdooni Karno biya La’aanta.

waxa uu intaas raaciyay wasiirka Biyaha Somaliland.”Sanadkani Aad iyo Aad ayaa uu noogu wanaagsan yahay ilaahay waxaan ka Rajaynayaa inuu Dadkaas wax noobalan qaaday ay sidooda noogu fuliyaan,waxaanu ku dadaalaynaa sida ugu haboon ee ugu wanaagsan u dhamayn si cadaaladi ku dheehan tahay ugu Xaqsoor shacabka Aan Matalo ee aan wasiirka u ahay.

wasiirka waxa uu Qiray in Baahi Laxaadleh ka Taagn tahay Xag Biyaha Balse waxa uu sheegay in Aanay wasaaradu Awood u lahayn in ay Kafeeyaan Bulshada,waxaana uu cadeeyay in ay awooda saarayaan sidii ay albaab kasta oo danta umadu gasho ugaraaci lahayeen.

 

 

Arabsiyomedia.com

Hargaysa Desk