Shirweynihii Beelaha GADARBUURSI Oo Laga Soo Saaray Qodobbo Reer AWDAL Ka Bari-yeelaya Fallaaganimada Suldaan WABAR

0

4656d0377b094951545d49841b52c18b_XLWaxa shalay deegaanka GOB ee gobolka AWDAL waxa lagu soo gabogabeeyay shirweynihii beelaha GADABUURSI, kaasi oo shantii maalmood ee u dambeeyay halkaasi ka socday.

Shirweynahan oo ay ka qayb-galeen dad ka badan kun qof oo u badan Madax-dhaqameed, ayaa mudadii uu socday lagu lafa-guray xaaladda guud ee Somaliland ku sugan tahay, gaar ahaan arrimaha amni daro ee ka soo cusboonaaday Gobolka AWDAL.

Shirkan ayaa waxa gabogabadii laga soo saaray 10 qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen ilaalinta nabadgalyada guud ahaan Somaliland, gaar ahaan AWDAL, ka wada shaqeynta danaha beelaha AWDAL iyo kuwo kale.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, oo laanta afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-du waydiisay qodobbada ka soo baxay shirweynahaasi, ayaa si kooban u faahfaahiyey, waxaanu yidhi “Ilaalinta nabadgalyada guud ahaan Somaliland, gaar ahaan Gobolka AWDAL oo maalmahan dambe ay ka jiraan shaqaaqooyin oo rasaas ka dhacday, waxaana la isla gartay in arrinkaa sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto”

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay “Shirku wuxuu taageero weyn u fidiyey jiritaanka Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Waxa kale oo ka soo baxay In beelaha Gadabuursi inay si mideysan uga wada shaqeeyaan danahooda gaarka ah oo ay meel uga soo wada jeedsadaan”

Suldaan Ibraahim, waxa kale oo uu xusay in shirka laga soo saaray qodob khuseeya horumarinta gobolka, siiba sidii la iskaga kaashan lahaa dhismaha dekedda Lughaya.

Suldaanka oo la waydiiyey waxa shirku ka soo saaray Suldaanka Fallaagoobay ee WABAR ayaa ku jawaabay “Arrinkaasi Waa arrin haddii aanu nahay dhaqanka beelaha Gadabuursi aanaan ku jirin, shaqana ku lahayn, waayo talo mideysan oo arrinkaa laga yeeshay ma jirin, cid uu arrinkaa Suldaanku kala tashadeynay ma jirin” ayuu yidhi