Madaxwaynaha Turkiga Oo Muqdisho Ku Saxeexay Iskaashi Millatari Oo Dhex Mara Soomaaliya

0

image43Recep Tayyip Erdogan, Madaxweynaha dalka Turkiga iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa shalay booqasho ku tagey gaadhay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha Turkiga oo markii lagu soo dhaweeyay garoonka Muqdisho oo dhawaan Turkigu dib u dhis ku sameeyay, ka dib waxa uu xadhigga ka jaray Cisbitaal lagu Magacaabo Digfeer, jaasi oo Turkigu si casriya u dhisay isla-markaana u qalabayey.

Intaasi ka dib Madaxwaynaha Turkiga iyo ka Soomaaliya, ayaa waxay kulan ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya, waxayna kala saxeexdeen heshiis ka kooban dhowr qodob, kuwaasi oo ay ugu muhiimsan yihiin iskaashi dhinaca Millatariga iyo caafimaadka ah.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey shir jaraa’id oo dhiggiisa Turkiga wada qabteen, ayaa yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dib dalka Soomaaliya ugu soo dhoweeyo Madaxweyne Erdoğan . Saaxiibtinimada Turkiga iyo Soomaaliya waa mid qoto dheer, laga soo bilaabo qarnigii 16aad, xilligaas oo uu jirey xidhiidh ka dhexeeya boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Saldanadii Adel ee Soomaaliya. Dowladda Turkiga waxa ay si cabsi la’aan ah u muujineysey sida ay uga go’an tahay taageerada horumar Soomaalia ay iska leedahay oo dalkeena laga hirgeliyo. Turkiga ma sugin in xaaladda ay isbedesho ama soo hagaagto si ay maalgashi u sameeyaan, balse maalgashigooda waxaa uu gacan ka geystey in la abuuro xaalado wanaagsan keenaya xasilooni iyo kobac dhaqaale. Saaxiibtinimada iyo taageerada Turkiga u muujisey Soomaaliya waa arin abid si weyn loo xusi doono,’’ ayuu yidhi Madaxweynaha. Dowladda Turkiga, oo kaashaneysa Dowladdda Federaalka Soomaaliya, waxay Soomaaliya ka bilaabeen mashaariic horumarineed oo kala duwan iyo kuwo la xidhiidha kaabeyaasha dhaqaalaha. Mashaariicdaas waxay isugu jiraan kuwa caafimaadka, daryeelka nadaafadda, dhismaha cisbitaallada, dhismaha wadddooyinka iyo dayactirka garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Caddde. Waxaa iyana dib loo dhisey masaajiddo horey ugu burburey dagaalkii sokeeye, waqtigan la joogana waxaa jira Soomaali badan oo wax ku barata Turkiga”

Hadalka Xasan Sheekh oo lagu soo ururiyey War-saxaafadeed lagu baahiyey Radio Muqdisho, ayaa sidoo kale lagu sheegay in Madaxweyne Maxamuud iyo Madaxweyne Erdoğan ay fureen terminalka cusub ee garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Xarunta cisbitalka Waxbarashada Caafimaadka iyo Cilmi baadhista. Wadahadalada labada dhinac shalay Muqdisho ku dhexmarey ayaa diiradda lagu saarey xoojinta iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo nabadgelyada. Waxaa labada dhinac ay kala saxeexdeen heshiisyo taabanaya dhinacyada iskaashiga milateriga iyo amniga, dhanka dhalinyarada iyo ciyaaraha, gaadiidka baddda, taageerada booliska iyo iskaashi cusub oo dhexmara Raadiyaha iyo Telefshishanka Soomaaliya ee Turkiga iyo Televishanka  Soomaaliy ee SNTV “Waxan Turkiga uga mahadcelinayaa gacanta ay inaga siineyso dhinacyada dhaqaalaha, militariga, arrrimaha bulshada, iskaashiga kaabeyaasha dhaqaalaha iyo gargaarka aadamiga. Shacabka Soomaaliyeed abaal weyn ayay u hayaan saaxiibtinimada kala dhexeeya Turkiga, waxaana rajeynayaa inuu sii xoogeysto xidhiidhka labadeena dal,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, Madaxweynaha Turkiga oo ka hadlaayay shir jaraa’id oo uu ku wehlinaayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayuu Erdogan ku yidhi “Taageeradan waxay inoo saamaxaysaa in adeegyada iyo xirfadaha sida aadka ah loogu baahan yahay la gaadhsiiyo dhammaan cisbitaalada ku yaala Somaliya iyo inaan bilowno nidaam qaran oo tayo leh, kaas oo an shacabka ugu fidineyno adeegga caafimaad ee ay u baahan yihiin’’.

Erdogan oo sii hadlaya ayaa sheegay “Waanu idin garab taaganahay, farxad ayayna ii tahay in aan mar kale Muqdisho imaado si aan u dhiirigeliyo taageerada aan idin hayno. Waan hubaa in aad ka gudbi doontaan caqabadaha jira, waana muuqataa in isbeddel weyn uu jiro safarkeygii hore iyo kan maanta (shalay..?” Ayuu sii raaciyay hadalkiisa, isagoo markaasi ka dibna Muqdisho ka dhoofay.

Dawladda Turkiga ayaa dhexdhexaadin ka dhex wadda dawladaha Soomaaliya iyo Somaliand oo doonaysa inay ka go’do Somaaliya inteeda kale, laakiin Safarka Madaxweynaha Turkigu ku tagay Muqdisho iyo mashaariicda muhiimka ah ee uu halkaasi ka wado ayaa tilmaan u ah in Turkigu aanu dhexdhexaad ka ahayn wada hadalka labada dhinac.