Dalka Gariiga xisbiga siyaasadiisu tahay dhinaca bidixda ee Syriza, ayaa ku guulaystay doorashada guud ee waddanka.
Ra’iisalwasaaraha xilka haya Antonis Samaras, ayaa u hambalyeeyay hogaamiyaha Syriza. Laakiin lama hubo inay heli doonaan codad ku filan oo ay kaligood ku sameeyaan dowlad.
Afhayeenka Syriza, ayaa sheegay in xisbiga uu gaadhay guul taariikhi ah oo fariin u faraysa dadka reer Yurub oo dhan.
Syriza ayaa balanqaaday inay dib ula heshiin doonto IMF iyo Midowga Yurub, oo balaayiin dollar oo ammaah ah ku badbaadiyay dhaqaalaheeda iyo sharuudaha lagu xidhay ee dhimista miisaaniyada dowladda.