Suldaan Xiiray Oo Ka Hadlay Khilaaf Ka Dhashay Dhul Iyo Baaqa Uu U Soo Jeediyay

0

xiirayAfhayeenka hogaanka dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, ayaa Arrin khalad ah ku tilmaamay in arrimaha Ciidanka lagaga hadlo Warbaahinta.Suldaanka oo daba socda hadal Madaxdhaqameed iyo Waxgarad kale ka soo baxay Shalay oo ku salaysnaa Muran dhul oo ka taagan Xaafadda Massallaha Hargeysa una dhexeeya Bulshada degaanka iyo Ciidanka Qaranka ayaa sheegay inaanu Ciidanku gayin arrimaha laga faafiyay.

Suldaan Xiiray Oo Hargeysa Saxaafadda kula hadlay maanta ayaa ugu horayn tilmaamay muhiimada Ciidanka Qaranka “Ciidanka qaranku wuxuu qarankan u yahay halyeeyga kowaad. waa kuwa qaranka iyo  dalkanba Aanu ku ilaashano , waa ragga faramaha jooga ee qaranka ilaalinaya ee habeen walba  u soo Jeeda ee aynu ku hurudno, kuna  seexano. waxanan bulshada somaliland  iyo xukuumadaba  aan U soo jeedinayaa in ciidanka qaranka xeryahooda la ilaaliyo isla markaana qaran nimadooda iyo Sharaftooda la ilaaliyo, in laga dhigo shakhsiyaad ama beelo waad mid xaaran ah.”

Suldaanku waxa uu ku taliyay in arrimaha sulux iyo wada hadal lagu dhameeyo, halkii warbaahinta laga wada hadli lahaa “intaas waa leysku dhacayaa waa leys qabsanayaa lakiin  waxaa lagu dhameyaa waxii nocaas oo kale ah  wada hadal iyo odeytinimo la,akiin ciidanka qaranku ma geeyo in saxaafadda lagaga hadlo.” .

Suldaanku waxa uu ku dooday in Ciidanka Qaranku xaq u leeyahay qaadashada meel kasta oo uu joogo xerda gaasemta sidaan maqley waxaa ku aasan booyado faro badan oo mid kastaaba ay qaado  konton kun oo  tan (50.000) tan  ciidanka qaranku iyaga ayaa wajiib u leh meel kasta iyo goob kasta oo ay joogan hadii ay  qaadanayaan iyo hadii kalaba waxanan leeyahay cid kasta oo isku deyda in ay wax u geysato ha ka waantowdo ciidanka qarankana  waxaan ku hanbalyeynayaa sida wacan ee ay qarankani u ilaaliyaan” ayuu yidhi Suldaanku.

Hadalka Suldaan Yuusuf Xiiray ayaa imanaya kadib markii Shalay Madaxdhaqameed iyo waxgarad kale oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir,si adag uga hadleen Muranka Dhul ku yaala agagaarka Xerada Ciidanka Cirka ee Galbeedka kaga beegan Madaarka Hargeysa, halkaasi oo ay sheegeen in Garoomo Dhalinyaradu ku ciyaari jirtay oo Dan guud ahaa Madaxda Ciidanka Qaranku Iibsatay, siiba taliyaha Guud Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle.