Xaldhibaanadda golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa ayaa maanta ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2015-ka oo gaadhaysa lixdan bilyan oo Somaliland shilling ah.
Fadhigii maanta ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa waxa shirgudoominayey gudomiyaha golaha Deegaanka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, waxaanu golaha uga warbixiyey miisaaniyadda sanadkan iyo mashaariicda horumarineed ee ku jira.
Sidoo kale, Xoghayaha dawladda hoose Mawliidi Waris Cabdilaahi, xisaabiyaha dawlada iyo waaxda maamulka iyo xisaabaadka ayaa xildhibaanadda usoo bandhigay miisaaniyadda sanadkan iyo kharashka ku bixi doona horumarinta caasimadda oo ay ku jirto qalabkii lagu samayn jiray wadooyinka oo dawladda hoose soo iibsatay, isla markaana u samayn doonta shirkad dawladda hoose hoos timaadda oo ay u dhamaystiran yahay qalabka kala duwan ee wadooyinka lagu sameeyo.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay gudoomiyaha guddida Dhaqaalaha ee golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa Maxamed Aw Aadan Wayrax ayaa ka warbxiyey miisaaniyadda sanadkan iyo mashaariicda horumarineed ee ka jira, waxaanu tilmaamay in qorshaha sanadkan ee xaga horumarinada ay miisaaniyada ka tahay 43%, halka barigii hore ka ahaan jirtay 35$, waxa kale oo uu xusay in shirkad qalabkii dhismaha wadooyinku u dhamaystiran yahay loo soo iibin doonno, isla markaana ay ka maarmi doonaan qalabkii ay soo kireysan jireen oo kharash badani kaga bixi jiray.
Xildhibaan Maxamed Aw Aadan Wayrax oo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Miisaaniyadan sanadkan waxaanu ka dhignay lixdan bilyan Somaliland Shiling, 47 Bilyan Somaliland shilling waa cashuurihii inooga soo gallay caasimadda, 13 ka kale waa wixii hay’adaha iyo dadweynaha ka qaybqaadanaya dhismaha wadooyinka iyo intii xukuumaddu inoogu dari jirtay, korodhka sanadkana waa toban Bilyan Somaliland Shilign”.








