Ciidamadu Ma Iibsan Mana Seesan Garoonka Xaafadda MASALAHA Ee Dhallinyarada Ayay U Hagaajinayaan” Jaamac Shabeel

0

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa Maanta ka hadlay Garoomo ku yaalla Xaafadda Masalaha ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo shalay la sheegay in Ciidamada Qaranku ay la wareegeen.

Jaamac ShabeelJamaac Shabeel, ayaa sheegay in aanay ciidamadu la wareegin garoomadaasi, hasa-yeeshee ay dhallinyarada ku ciyaarta u hagaajinayaan.