Xisbiga waddani lantiisa Toronto oo qado sharaf sogootin ah u sameeyey gudoomiyihii hore ee gobalka hawd ee magalada Toronto ahmed ibrahin juuqdhar oo dalkii Somaliland kusii jeeda.
Mr ahmed ibrahin juuqdhar waa aqoon yahan Somalilandder ah waana gudoomiyah hore ee gobalka hawd ee Toronto isagoo ahaa xubin aad iyo aad u firfircoona horumarka wadanka qayb libaaxle ka soo qataya ilaa SNM tii. madaxdii xisbigii xaqsoor ah isla mar ahaantaana ahaa Ninkii ugu horeeyay ee Wadada Baligubadle magalada Toronto dhaqaale uga uruuriya imikana ah madaxda xisbiga mucaridka ah ee waddani.
Xisbiga waddani qaytiisa Toronto ayaa qado sharaf ku sagootiyey godoomiyihii gobalka hawd ee magalada Toronto
mr ahmed ibrahin juuqdhar oo dalkii ku sii jeeda mr juuqdhar oo u diga rogtaye wadankii hooyo madaxda xisbiga waddani ee Torontana ka mid ah , madaxdii xisbiga waddani ee halkaas ka hadashaye waxa ka mid ahaa
Mudane cali ibrahin baqdaadi oo ugu horayntii hadalka furaye ayaa ku furaye ayado Qur aan ah iyo duco ka dibna waxa uu u sheegay ujeeda kulankan qada sharafda ah oo in mr ahmed juuqdhar oo waddanki ku socda loo samaynayo sogootin waxanu hadalka ku soo dhaweeyey gudoomiyah lanta Toronto
DR ibrahin cabsiye ayaa soo jeediye hadal u badnaa dardaaran iyo fariin uu ahmed juuqdhar uu kula hadlayey iyo hawlaa xisbiga ee u yaal isaga oo sheegay in manta haduu halkan ka tagay in shaqo badani u taalo wadanki aadna waxan ugu rajawaynahay in uu ku guulaysan doono insha allah.
Intaasi ka dib waxa hadalka lugu soo dhaweyey mr ahmed ibrahin juuqdhar oo u mahad naqay dhamaan dadkii xisbiga ee ka soo shaqeeyey qado sharaf tan aad iyo aad bay u mahadsan yihiin, Insha Allah markaan wadankii tagana waxan rajaynaa in sidan halkan uga qashaynayey in si ka daran oo ka fiican aan u shaqayn doona insha Allah waynu ka wada socondona mar labaadna aad iyo aad baad u mahadsan tihiin



































