Dalka Jabuuti waxaa xalay gaadhay wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan oo maalintii shalay dalka Sacuudiga kaga qayb galay Aas loo sameeyey boqorkii Sacuudiga oo maalin ka hor geeryooday.
Wafdiga Madaxweyna Turkiga ayaa maanta kulamo la leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, Iyagoo kawada hadlaya xidhiidhka labada dowladood oo soo jireen ahaa.
Madaxweyne Turkiga Erdogan ayaa shalay ka baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Muqdisho ka dib markii uu safarkiisa u leexiyey ka qayb galka aaska boqorkii Sacuudiga, Waxaase la filayaa in uu maalinta berito ah uu Muqdisho ka dego.
Erdogana ayaa safaro kala duwan ku maraya dalalka Geeska Africa oo uu doonayo in uu xidhiidhka kala dhaxeeya dowladiisa Turkiga uu noqdo mid wanaagsan.