Qaar kamid ah Idaacadaha ku hadla afka alshabaabka Sida Idaacadaha(Andulus iyo Al furqaan)ayaa dhawaan baahiyey warar ka dhan ah kooxda Fanka ee waayaha Cusub oo ah koox dhalinyaro ah oo gayiga soomaaaliyeed aad looga yaqaano gayiga soomaaliyeed.
Kooxda Waayaha Cusub waxeey idaacadaha ku hadla afka alshabaabku ku sheegeen ineey yahiin koox gaaloowdey oo ka baxdey diinta islaamka oo fisqigoodii hore ku daray nacaybka diinta islaamka iyo aflagaadada bareerka ah oo ay u geystaan kooxaha illaahay dartiis ugu istaagay ineey badbaadiyaan diinta islaamka oo ay ka mid tahay alshabaab.
Waxeey Idaacadahaasi sheegeen in Mujrimiintii illaahay xarigiisa ka furtey ee Waayaha Cusub oo gaalada maciinka u mooday ay u haajireen dalalka reer galbeedka kadib markii ay ka baqeen in seeftii illaahay ay dushooda gaarto,waxeeyna Sheegeen iyaga iyo kuwa lamid ahba in lagu Suntey Diwaaan far gaduudan lagu qorey oona maalin uun Cinqaabtey Mutaysteen adeegaha illaahay ee Islaamku uu marin doono.
Hanjabaadaas kasoo yeeraysa idaacadaha ku hadla afka ururka alshabaab waxeey kusoo beegmaysaa kadib markii dhawaan ay baahiyeen qaar ka mid ah warsidayaasha soomaaliyeed in Kooxda Waayaha Cusub oo sanadkii tagey bartamihiisii soo gaarey dalka Holland kuwaas oo magan galyo qaxootinimo weydiistey dalka Holland ay shaaciyeen in sharcigii loo diiday lagana yaabo in dib loogu masaafuriyo halkii ay ka yimaadeen ee bariga afrika inkastoo aanay jirin warar xaqiijinaya Xogtaas ay qoreen warsidayaasha soomaalidu oo kasoo baxay wasaarada arimaha qaxootiga u qaabilsan dalka Holland.
Isku soo wada duuboo hadalada hanjabaada ah ee ka soo yeerayeyey Idaacadaha ku hadla afka alshabaabka ee ku aadan kooxda waayaha cusub oo ay hawada usoo marinayaan waxaa laga yaabaa ineey arkeen ama dheehdeen xogtaas ku saabsan kooxda waayaha cusub oon kor kusoo sheeganay oo ay ka qoreen warsidayaasha soomaaliyeed taasoo ah mid aanan weli la ogeyn sida ay u jirto xaqiiqadeeda dhabta ah,balse gurdanka iyo goodiga iyo cabsi galinta uu ururka alshabaab hawada u marinayo kooxda Waayaha Cusub oo jooga qaarada yurub oo sidaas uga fog dalkii maxaad moodaa muwaadiniinta kale oo ku sugan dhulkii hooyo hanjabaada ay u jeediyaan ururkaani