Dadweynaha Xaafada New Hargeysa oo baahi-weyn u qabay laydh ka xor Shirkada Kaah oo dhawaanahan dadweynuhu aad uga biyo-diideen ayaa Aad ugu diirsaday Shirkada Laydhka ee Shiraaqle Electric Power oo dhawaan laga hirgaliyey Xaafadaasi.
Shirkadan Shiraaqle Electric Powerayaa dadweynuhu ku tilmaameen Shirkada bulshada ugu adeegaysa sidii ay ubaahnaayeen iyagoo isla markaaana sheegay inay ka haqab tirtay baahiyii laydhka ee dadweynaha Xaafada ku nool guud ahaan-toodba
Guuleed Cumar Coofle oo kamida Ganacsatada Meheradaha ku haysta oo aan wax ka waydiiyey farqiga u dhaxeeya Shirkadan Shiraaqle Electric Power iyo tii hore ugu jiri jirtay ee Kaah ayaa waxa uu sheegay in ay aad ugu kala duwan yihiin dhinacyo badan sida Qiimaha oo uu sheegay in xadiga u dhaxeeyaa yahay 50% boqolkiiba konton wax ka badan isagoo isla markaana xusay inay waliba dheertahay raaligalin iyo adeeg joogto ah oo ay Macmiisha u fidiyaan
Dhinaca kale Faadumo Xasan C/laahi oo kamida dadweynaha Xaafada New Hargeysa oo aan iyadana wax ka waydiiyey arintan iyo farqiga u dhaxeeya Shirkadan Shiraaqle Electric Power iyo tii hore ugu jiri jirtay ee Kaah ayaa waxa ay ii bayaamisay inaanay sinaba isugu dhawayn labadan shirkadood dhanka kharashka iyo dhanka adeegaba iyadoo isla markaana dadweynaha Xaafada ugu baaqday in aanay isku doorsan labadan shirkadoo ee ay kuwada Wareegan Shirkadan Shiraaqle Electric Power
Isku soo wada duuboo Shirkadan Shiraaqle Electric Powerayaa noqotay Shirkad waqti kooban kula wareegtayMacaamiishii muga lahayd ee Shirkadii hore u shidi jirtay Xaafadan ee Kaah taasoo loo nisbaynaayo inay ku kas batay Qiimojaban iyo raaligalin siyaado ah oo ay Bulshada u muujisay