Ururka MAP iyo Wasaarada Warfaafinta Puntland oo xusay maalinta Saxaafada Soomaaliya

0

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Maamulka Ururka Saxafiyiinta Puntland ee MAP iyo Wasaarada Warfaafinta Puntland u qabteen munaasabad lagu xusayey 42 sano guuradii ka soo wareegatay xiligii Wargays Af Soomaali ku shaqeeya laga soo saaro dalka Soomaaliya.

Munaasanada waxaa ka qayb galay maamulka Ururka MAP, Wasiirka warfaafinta Puntland, Wasiirka Ganacsiga, Wariyaal iyo marti kale oo uu ka mid ahaa madaxda Xafiiska xuquuqul insaanka Puntland.

Gudoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Puntland Faysal Khaliif Barre ayaa sheegay muhiimada xafladan loo qabto in ay tahay is xasuusin wax qabadka iyo caqabadaha sanadkii la soo dhaafay, Isagoo sheegay in sanadkii tagey Soomaaliya lagu dilay 5 wariye oo mid ka mida lagu dilay Puntland, Halka la xiray 45 saxafi oo Soomaaliya ah.

Faysal Khaliif wuxuu sheegay in saxafiyiinta Puntland qaar ka mid ah loo soo diray fariimo loogu digayo looguna hanjabayo iaygoo gudanayey shaqada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha MAP wuxuu sheegay in ay taagan tahay khilaafkii xeerka saxaafada Puntland oo baarlamaanku meel mariyey sanadkii tagey loona baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo iyadoo la raacayo tabashooyinka, Wuxuu sidoo kale wax laga xumaado ku sheegay xiritaan websiteyo hawada ka maqan.

Wasiirka Warfaafinta Puntland C/wali Xirsi Cabdulle Indha Guran ayaa marka hore hambalyo u diray saxafiyiinta Soomaaliyeed ee xusuya maalinta saxaafada Soomaaliya, Wuxuu ka hadlay doorka saxafiyiinta ay ku leeyihiin baahinta wararka bulshada wax u tara isagoo uga digay fidinta waxyeelada shacabka iyo dowladda.

Wasiirku wuxuu sheegay in cabashada Ururka MAP ay wax ka qabanayaan dhawaana ay guda galayaan xeerka saxaafada Puntland oo hada uu layaal madaxweynaha Puntland, Wuxuu sheegay in ururka ay kala shaqaynayaan wax u qabadka saxafiyiinta Puntland.

Munaasbada oo lagu xusayey maalinta saxaafada Soomaaliya ayaa looga hadlay taariikhda saxaafada Soomaaliya, dhibta saxafiyiinta ay u dhabar adaygeen muddada burburka lagu jiray, Waxaana gunaanadkii munaasabada saxafiyiintu muujiyeen dareen ay kaga xun yihiin xariga Wariyaasha Al-jaziira ee dalka Masar.