Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigiisa Oo Saaka Ukicitimay Laascanood Iyo Layaabka Safarkiisa Guure Baalaynta

0

Madaxweynaha Jamhuuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo Iyo Waftigii Balaadhnaa ee uu hogaaminayay ayaa Xalay Guure Ku Soo Galay magaalada Burco, Saakana Ukicitimay  dhanka  Magaalada Laascaanood , Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigiisa Oo Safardheer Ku Soo Maray deegaamo Badan Oo Dalka Kamida Ayaa La Filaayay Inuu Ka Nasto Safarkaasi, Balse Madaxweyne Siilaanyo Iyo Waftigiisa Ayaa Dib U bilaabay Safar dheer Oo ay kusoo Marayaan Deegaamada Gobolada Sool Iyo Sanaag Waxaana Madaxweynaha Iyo Waftigiisa Si weyn Loogu Soo Dhaweeyay Saaka Degmda Oog 0o Uu Sii Maray,IMG_2124

Sikataba Ha ahaatee Madaxweynaha Iyo Waftigiisa Balaadhan Ee Uu Horkacaayo ayaa Siweyn loogu soo dhaweeyay dhamaan deegaamada ay soo mareen, waxaana dadku taagnaayeen wadada hareeraheeda, Maalin Iyo Habeenba si ay mar uun u arkaan indhahoodana usaaraan madaxweynahooda Iyadoo ay dadka wajiyadooda ka muuqatay farxad aan lasoo koobi karin,

Dadweynaha  Ku soo Dhaweynaha Madaxweynaha Deegaamada Badan Ee Uu Soo Maray Ayaa Baahi Weyn Uqabay arigtada Madaxweynahooda Kuna Naaloonayay Inay Mar Uun Arkaan Madaxweynaha Dalka Oo Soo Booqda, Waxaana Ay Dadka  deegaamadaasi Dhamaan Ka Sinaayeen Hadal ay Ku Tiraabayeen oo ahaa “Madaxweyne Wali Maanu Arag Madaxweyne Na Soo Booqda Oo Adiga Kaa Horeeyay”

Tani Waxay Dhiiri Galisay Madaxweynaha Inuu Maalin Iyo Habeenka Ukala Guureeyo Deegaamada Dalka Si Ay Dadkiisa Ugu Ciil Qaba Argtidiisa ay  U arkaan, Waxaana Is Badalay Magacii Safarka Madaxweynaha Iyo Waftigiisa Oo Goortii Uu soo Gaadhay Degmada Qoryaale Dadka Deegaankaasi U Bixiyeen Safarkii “GUURE -BAALAYNTA” Kelmadaas Oo aad uga qoslisay Madaxweynaha Iyo Waftiisa Sidaasna Ku Qaatay Magaca Safarka, Isku Soo Duuboo Madaxweynaha Qaranka Iyo Waftigiisa Ayaan Loo Warhayn XIlliga uu soo gabagabayndoono Safarkiisan Guure Baalaynta.IMG_2132IMG_2134IMG_2136IMG_2181