Boko Haram: 200 ayaan ku dilnay Baga

0

150121082006_boko_haram_baga_304x171_afp_nocreditNin sheegaya inuu yahay hoggaamiyaha kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, ayaa waxaa uu sheegay in weerar horraantii bishan lagu qaaday magaalada woqooyi bari Nigeria ee Baga ay fuliyeen dagaalyahannadiisu.

Saraakiil deegaankaas ah ayaa sheegay in dad gaaraya 200 qof lagu dilay weerarkaas.

Video la galiyay internet-ka ayaa nin sheegtay in uu yahay Abubaker Shekau wuxuu sheegay in ay qabsadeen hub badan oo ay ka heleen magaalada Baga.

Wuxuu ku hanjaba weeraro kale, iyadoo uu u hanjabay hogaamiyayaasha dalalka deriska ah.