
Sadex qof ayaa ku dhintay iska horimaad dhexmaray dad muslimiin ah iyo Hinduu bariga dalkaasi Hindiya (India), kadib markii kooxo hinduu ah weerar ku qaadeen qoysas muslimiin ah.
Rabshadahan ayaa Axadii shalay ka dhacay gobalka Bihar ee bariga dalkaasi India, kadib markii kooxo hinduu ah ay dab qabadsiiyeen guryo ay degenaayeen Muslimiin, halkaasi oo ay ku dhinteen sadex qof.
Dadka hinduuga ah ayaa ku eedeeyey muslimiinta inay dileen wiil Hinduu ah oo meydkiisa deegaankaasi laga helay, wiilkaasi oo muddo sadex asbuuc ah la la’aa, ayaa la sheegay inuu la sheekaysan jiray gabar Muslimad ah.
Arrintan ayaa markii danbe isu bedashay iska horimaad balaaran oo ay gacanta isulla tageen dadka muslimiinta ah iyo hinduuga oo in muddo ah xiisad ka dhextaagneyd.
Booliiska India ayaa la sheegay inay xabsiga dhigeen 8 nin oo hinduu ah oo loo heysto dilka qoyska muslimka ah ee shalay la dila








