Guriga Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka oo la weeraray

0

bide-delaware-guriga
Koox hubeysan ayaa rasaas la beegsatay guriga uu degen yahay Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Joe Biden ee ku yaal magaalda Greenville ee gobalka Delaware, bariga dalkaasi Maraykanka.

Weerarkan ayaa dhacay habeenimadii Sabtidii lasoo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen illaalada Madaxtooyada Maraykanka ee Secret Service-ka.

Waxaa loo jeeday xiliga weerarka dhacayey gaari xawaare sare ku socday oo goobtaasi ka baxsaday, ma jiraan cid wax ku noqotay rasaasta lagu tuuray gurigaasi saacadu markay ahayd 20:30 habeenimo, xili aysan guriga joogin qoyska Joe Biden.

Baaritaanka lagu wado weerarkan ayaa weli socda, mana jiraan wax faah faahin ah oo laga bixiyey cida lagu tuhunsan yahay inay ka danbeeyaan weerarkan