Hargaysa(Arabsiyimedi) Bari waxa jiri jirey beel Soomaali ah oo ku nool deegaan deegaamada Soomaalida ka mid ah. Waxa deegaankii ay beeshani deganayd ka dhacay abaar ba’an oo dad iyo duunyaba saamayn xoog leh ku yeelatay. Aabo ka mid ah qoysaska beesha la deganaa ayaa markii reerkiisii gaajo soo food-saartay go’aansaday in uu reerka iyo lafihiisuba waxay quutaan u raadiyo. Reerkiisii ayuu ka safray. Nasiib daro intii uu odaygii reerku safarka ku maqnaa ayaa reerkii loo soo waydaartay, oo beel kale oo colaadi ka dhaxaysay ay dagaal ku soo qaadeen wakhti ay jilicsanaayeen. Colkii soo duulay reerkii cagta ayuu mariyey dad iyo duunyo, oo waxba ma dhaafin.
Sida sheekadu warinayso waxa uu odaygii reerku ku soo noqday reerkii oo si xun loo mirey, oo fiintu kor u dhawaaqayso, olol, qiiq iyo ur qadhmuunina is-qabsatay. Asaga oo argagax iyo anfariir ku jira ayuu orodkii bartii aqalkiisu ka taagnaan jirey is taagay. Waxa uu kula kulmay arin murugo iyo filanwaa ku noqotay. Waa gabadhii uu qabay oo dhulka jiifta, isla markaa colkii soo duulay uu dilay iyo ilmihii yaraa ee ay xambaarka ku siday oo naaskeedii wali ku dhegan oo jaqaya.
Arini way ku balaadhatay. Intuu labada dhinac iska deyey ayuu yarkii xambaartay, oo halkii fudhu ka yidhi. “Allow ila badi!”. Siduu u guclaynaayey, ee uu hadba labada dhinac isaga dayayey, ayaa waxa uu fooda saaray wado u socota meel ay deganaayeen reerka uu xididka la ahaa. Intii uu wadada sii socday ayaa waxa ninkii dhexda ka helay niman gaade ama tuug ah. Nimankii tuugta ahaa markii wax kale oo ay ka dhacaan ay ninkii ka waayeen ayaa waxa ay ka furteen labadii go’ ee uu xidhnaa! Kadib ninkii oo cawro mudug ah ayaa lafihiisii iyo yarkiisii oo bilaa qayd ah la cararay. Wax uu gucleeyaba, waxa uu ugu danbayn isaga oo hiinraag dhamaystay, iyo yarkiisii naaska jaqayey oo haraad iyo gaajo cunuhu qalalay ay ku soo baxeen xayn adhi ah oo meel kayn ah daaqaysa.
Ninkii odayga ahaa markiiba waxa uu arkay ri irmaan oo adhiga ku jirta. Isla markiiba intuu soo qabtay ayuu yarkiisii oo jidiin-qalalay naaskeeda afka u galiyey, oo tuujin ugu bilaabay ama u lisay. Wax yar markuu ri’dii u lisayey yarkii ayey gabadhii adhiga la joogtay sheeda ka aragtay wax sansaan bani’aadam leh, oo cawro mudug ah, oo ri’ adhigoodii ka mid ah gooni ula baxay. Gabadhii intoy naxday, oo ay mooday bahal dad-qaad ah oo xoolaha soo weeraray, ayey qaylo afka gacanta galisey, oo xagii reerkoodii u oroday. Isla markiiba waxay qayladii kula dhacday ragii reerka oo goor barqo ah reerka duleedkiisa dooyaystay, oo shax iyo sheeko isu waydaarsanayey. Mar qudha ayaa warmaha la boobay, oo xagii qaylada inantu ka baxaysay loo jabay. Inantii iyada oo hiinraagaysa ayay xagii adhiga farta u fiiqday oo tidhi “Waa bahal dad-qaad ah, oo adhigii ku dhex jira!!”. Raggii oo fardihii ku taagan, warmihiina wada diyaarsaday, oo kor u taagaya, diyaarna u ah in ay is-difaacaan, ayaa bartii tilmaanta inantu ahayd ku beegmay.
Ninkii odayga ahaa ee bahalka la mooday markuu sawaxankii iyo qayladii maqlay, geed ayuu dabada galiyey, asaga oo ilmihii yaraana ku kogsan, oo cawradiisa ku qarinaya. Raggii fardaha ku taagnaa ayaa isla markiiba sheeda ka arkay wax saansaan bani-aadam leh, hase yeeshee bilaa dhar ah. Waa lagu soo dhowaaday tiiyoo warmaha lala beegsanayo, loona diyaargaroobay in la dilo. Nasiib wanaag ninkii ugu soo horeeyay raggii fardaha saarnaa ayaa isla markiiba gartay ninka bahalka la mooday inuu yahay nin ay xidid ahaayeen. Intuu faraskii ka soo booday ayuu go’ uu jeeni-qaarnaa u furay, oo ku tuuray “Alla hortay waa hebel!”. Colkii gulufka ahaa ee rabay in ay bahalka dad-qaadka ah warmaha la boobaan ayaa mar kaliya dib u wada joogsaday, oo wada naxay.
Ninkii odayga ahaa oo farxad-naxsan ayaa gu’ii guntaday, sidiina raggii ku raacay, oo reerkii la geeyay. Isla markiiba waxa wada hadlay raggii reerka, waxaana odaygii sodoga u ahaa ninka odayga ah ee baladu soo martay laysla gartay in uu gabadhii adhiga la joogtay oo ahayd tii ka yarayd xaaskiisii hore ee la dilay ku xigsiisimo, oo u dhiso ninkan odayga ah ee wiilka yar isaga oo muduga ah la yimid. Sidii ayaa laysu waafaqay, tolkii meesha joogayna ku ogolaadeen in ninkan reerka ku soo kordhay isaga oo mudug ah la xooleeyo, oo sidaas uu reerka kaga mid noqdo. Markii ninkii odayga ahaa degay, ee uu waxoogaa kolka xasilay ayaa la yidhi “waar hebelow bal ka waran waxaad balaayo soo martay?”. Dabeed waxa uu ku jawaabay “Anigu balaayo ma arage, hadhkeeda ayaan is-taagay!! “.
hadaba akhriste sheekooyinkaas iyo kuwa ka xiiso badan waxaad ka helaysaa Buuga WAAYO-SHEEG oo aad ka heli karto madbacadha iyo dhamaan goobaha buugaagta lagu iibiyo ,buugan Waxa qoray Qoraaga caanka ah Muuse Carab Obsiiye
Arabsiyomedia
Hargaysa Desk








