Xorriyad La’aanta Itoobiya !!

0

Dalalka dunidu waxay horumar ka sameeyeen dhinacyada dhaqaalaha, amniga, Tacliinta iyo Xorriyatul-qawlka oo aqoonyahannadu aaminsan yihiin inuu ka qayb-qaato horumarka shucuubta Caalamka.

Haddaad u fiirsato, Dal kasta oo dunida ku yaalla oo sameeyay horumar muuqda, Hab-dhaqannada uu dalkaa sharcigiisu ogol yahay waxa kaw ka ah Xorriyadda hadalka.

Marka aqoon ahaan loo fasiro labada kalmadood ee kala ah ‘Xorriyad & Qawl” waa in dadka dunida ku nooli ay si xor ah fikirkooda u cabbiraan, iyadoo adeegsanaya ‘Hadal, qoraal ama ficil kale’

Qofka marka uu si kalsooni leh u cabbirayo ra’yigiisa, wuxuu isagoo shicib ah oo aan Dawladda dalkiisa door ku lahayn uu Talo iyo Tusaale ka bixin karaa habka Madaxda dalkiisu waajibkooda u gutaan, hadday dhaliil leeyihiina wuu sheegi karaa, si ay u saxaan, markaasina waa marka xorriyadda hadalku wax ka tarayo horumarka dalka.

Haddii’se uu Muwaadinku dalkiisa dhexdiisa fikirkiisa ku cabbiri kari waayo, kuma dareemayo xornimo  waxaana iman kara in qofku wixii uu diiddan yahay ficil xun ku cabbiro oo uu dhibaato geysto ama isagu isku geysto.

Tusaale ahaan, Dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo aan ku noolahay iyo guud ahaan itoobiya waxa ka jirta caqabad dhanka xorriyad la’aanta ah, taas oo ay kala siman tahay Maamullada kale ee Itoobiya.

Killalka shanaad ee itoobiya oo ay caasimaddiisuna tahay Jigjiga, waxa ka jira horumar dhinacyo badan leh, sida Waxbarashada heerarkeeda kala duwan, kaabayaasha dhaqaaalaha, sida Waddooyinka oo wax badan laga qabtay, laakiin dhibaatada ugu weyn ee ka jirtaa waa inaan Qofna sheegi karin dhaliisha Maamulka ee uu arkayo.

Muwaadiniinta Degaanka Soomaalida, heer kasta oo ay yihiin, Aqoonyahan ka qalin-jebiyey Jaamacad, mid Ganacsade ah iyo Qof xoolo dhaqato ah, midna isagoo xor ah ma hadli karo.

Qofka Xoolo dhaqatada ah, haddii deegaankiisu aanu lahayn Ceel ay Xooluhu uga cabbaan ma sheegan karo baahidaas.

Sababta waxaas u dhacayaan, waxa weeye in Madaxda Maamulku aanay ogolayn cid dhaliisha oo sheegta ceebahooda, illaa ay gaadheen in Qofka si uun u saluugsan ay si sharci-darro ah xabsiga ugu taxaabaan, kuna hayaan muddada ay iyagu doonaan.

Sidaas oo kale, Maamulka DDSI waa iskugu mid qofka Baraha Bulshada wax ku qora iyo ka qof si kale uga warrama saluuggiisa.

Dhammaanba waxa dhawaan laga xayiray Inay deegaanka Soomaalida iyo Itoobiya inteeda kale ka shaqeeyaan Warbaahintii afka Soomaaliga ku hadasha ee ka hawl galaysay deegaanka Somaalida iyo guud ahaan itoobiya, sida BBC Somali, Universal TV, Horn Cable TV, Saab TV, CBA TV, MM TV,  taas oo muujinaysa halka deegaanka iyo itoobiya ka taagan yihiin xorriyatul-qawlka.

Dadka deegaanku waxay rajeynayeen in maamulka Cagjar wax ka beddeli doono dhibaatooyinkii uu gaystay Madaxweynihii ka horreeyay ee Cabdi Iley, dadka deegaankuna gees walba xor ka noqon doonaan kana bogsan doonaan boogihii Cabdi iley, balse ma dhicin oo ma jiro hal qof oo dhalliili kara hoggaamintiisa.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda marka aad wax ka waydiiso sababta dadka deegaanada Soomaali galbeed u heli waayeen xornimo buuxda waxay ku odhanayaan, ‘Cabdi Ileyna TPLF ayuu u shaqaynayay oo amrayey, Ina Cagjarna Abiy Axmed ayuu u shaqeeyaa oo uu ka amar qaataa.’

Ugu dambayn, waxay ila tahay in xorriyad la’aanta jirtaa dhaawaci doonto nolosha bulshada, maalin kalana la garan doono dhibaatada ay horseedday cabudhinta dadku.

W/Q: Maxamed Muuse Cismaan 

Email: mosmaani042@gmail.com