Xayaysiisyada ku saabsan Dhakhaatiirta ayaa laga mamnuucay Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta laga bilaabo 25-ka bishan January. Guddida Mihnadlayaasha Caafimaadka heer qaran ee Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay guud ahaan Warbaahinta sida Telefishannada,Jaraa’idka,iyo Website-yada waxay uga digeen inay baahiyaan Dhakhaatiirka Is-xayaysiinaysa.