Miyaad isleedihiin Abdirisaq khaliif qorshihiisa uu rabo in uu Sool kaga jaro Somaliland reportkii daliilka u noqon lahaa in uu Baarlamanka ka dhex fushanayo oo hawshiisii socoto.
Xubnaha guddida ee baarlamanku magaacabeen waxa ay fulinayaan ajande Abdirisaaq gadhwadeen ka yahay kaas oo ah “xog raadin” ujeedadiisu tahay laba wax
1. In xogta ka soo baxda lagu kaabo warbixinihii uu caalamka siiyey ee ka dhanka ahaa Somaliland si ay ugu suurtagasho qorshihiisa in uu Somaliland ka jaro gobalka Sool.
2. Haddii taasi hirgali weydana uu ka dhigto gabaad uu ku gor-gortamo si looga saamaxo danbiyadii uu ku kacey.
Maxey daarantahay Xogta guddidaas loo direy ?
Waxa uu rabaa in guddidu isaga oo iska dhigaya in uu Somaliland la shaqeynayo la geeyo Laascaanood ka dibna warbixin laga sameeyo dhibaatadii dagaalka oo la buunbuuniyey loogana diyaariyo warbixin buuxda oo daliil u noqota qadiyada SSC isla markaana eedayn danbiyo xuquuda caalamiga lagu oogo shakhsiyaad la bartilmaameedsanayo.
Ma sax baa in xilligan xog raadin la sameeyo ?
Sax ma’aha wakhtigan in xog-raadin la sameeyo sababta oo ah xaalada gobolku waa mid kacsan oo aan wali dhinacna u dhicin. Waxa kaliya ee wakhtigan suurtagal ka ah waa in la helo xal degdeg ah oo dhibaatda lagu joojiyo is afgaradna laga gaadho dhibatada imika taagan ka dibna baadhitaan degan oo sugan siyaasadina ku jirin oo muddo qaata la galo si loo saxo wixii khaladamey.
Xubnaha guddidu ma la aragtibaa abdirisaaq ?
Badankoodu ma muuqato in ay fahansanyihiin ajendaha Gudoomiyaha iyaga oo ka go’aan qaadanaya xidhiidhada uu la laahaa maalmihii u danbeeyey. Waxa se jira dareen ah in xubnaha qaar ay fahansanyihiin oo ay daneynayaam in qorshayaashiisu hirgalaan sababo aan wali shaac bixin awgeed.
Maxaa la gudboon xukuumada iyo xisbiyada qaranka ?
Waxa muhiim ah in shirqoolkaa laga feejignaado, oo aaney dhicin in cid wadata ajendayaal qarsoon oo qaranka ka dhan ah, hadana iyada oo aan la dhaadeyn ay hay’daha qaeanka u isticmaalaan meel marinta qorshayaashooda qarsoon
Qalinkii: Jaamac Faarax
Borama/Somaliland