Tan iyo markii uu xukunka dalka Masar qabsaday madaxweyne Cabdifataax Sisi oo afgembi xilka kaga tuuray madaxweynihii ugu horreeyey abid ee dalkaas si dimuqraadi ah loogu soo doorto, safar kasta oo uu u baxo waxaa hadhaynayey mawqifyo ceeb iyo xaqiraad u soo jiida isaga iyo dalka Masar oo muddo la sii hadal hayo. Waxaana u dambeeyey fadeexad dhacday safarkii ugu dhowaan madaxweyne Siisi ku tegey dalka Kuweyt oo isla markii uu garoonka diyaaradaha ee dalkaas ka soo ambabay shabakadaha internet ka iyo bar-kulannada ay ku kala war qaataan dadka reer Kuweyt iyo Masar lagu baahiyey warka sheegaya in wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee dalka Kuweyt daqiiqado yar kadib markii uu hab-siiyey madaxweyne Siisi oo uu ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha in uu waayey talefankiisii gacanta oo ahaa IPhone cusub.