
Raysalwasaaraha Turkiga Axmed Dovutoglu ayaa sheegay in dhigiisa Isra ‘ii uusan waxna ka duwaneyn labadii wiil ee walaalaha ahaa Kouachi ee geystay weeraradii ka dhacay magaalada Paris ee dalka France.
“…Weeraradii ka dhacay Paris waxay ahaayeen kuwo lid ku ah Bini’aadamnimada, sidaas oo kale ayey Isra’iil u xasuuqtay caruurtii banooniga ku ciyaarayey xeebaha magaalada Gaza iyo kumanaan kale oo la dilay, guryo la baabi’iyey iyo waliba dadkii gargaarka uu waday Gaza ee la xasuuqay….” ayuu yiri Raysalwasaaraha Turkiga Axmed oo kamid ahaa hogaamiyayaashii Axadii hore booqday dalka France kadib weeraradii Paris ka dhacay








