
Xeebaha Degmada Bandar Beyla ee gobolka Karkaar waxaa ku degtay Doon kaluumaysi oo ay wateen Afar qof oo kaluumaysato ah, Badu waxa ay dejisay dhamaan doonta sida ay soo sheegeen saddex qof oo ka bad baaday doonta degtay.
Gudoomiyaha Degmada Bandar Beyla Saciid Aadan Anteeno ayaa warbaahinta u sheegay in doonta ay degtay ka dib markii duufaamo xoog badan shalay bada ka kacday, laguna la’yahay qof ka mida dadkii saarnaa Doonta oo kaluumaysanayey.
Anteeno wuxuu sheeg in Doontu ay ka soo baxday tuulada Ceel Dhidir oo20-kmdhanka Koonfureed ka xigta Bandar Beyla balse ay la kulantay dabaylo xoogan oo shalay ka jiray xeebaha degmada Bandar Bayla, Ninka lagu la yahay Doonta ayuu magaciisa ku sheegay Maxamuud Axmed Xagaayo oo ahaa nin si weyn looga yaqaan magaalada Bandar Beyla.
Saddexda Qof ee soo badbaaday ayaa beriga ku yimid dabaal waxaana la sheegayaa in mid ka mida uu dhaawac soo gaaray hadana lagu dabiibayo isbitaalka magaalada Bandar Beyla








