Masuuliyiin iyo Waxgarad Xukumadda Ku Dhaliilay Wareejinta Warshadda Laydhka Hargeysa

0

Hargeysa (AN) Kaddib markii Xukumadda Somaliland Sabtidii Munaasibad u qabatay Warshadda Laydhka Dawladda Hargeysa oo lagu wareejiyay dhawr ganacsade ayaa waxgarad, Masuuliyiin iyo madaxdhaqameed kala duwani si adag uga soo horjeesteen arrintaasi.

Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi,Musharax Jamaal Cali Xuseen iyo Mujaahid Ooto Biixi oo ka mid ah dadka Axaddii meelo kala duwan kaga hadlay arrintan ayaa si weyn uga soo horjeestay in dad shacab ah lagu wareejiyo Warshadda Laydhka Hargeysa. Sidoo kale Bulshada Somaliland ayaa si aada u hadal hayay Talaabada Xukumaddu ku wareejisay Warshaddii laydhka ee ay Maamulaysay.
“Waxaan doonayaa inaan Baaq dhiilo ah u diro dhamaan Bulsho weynta Somaliland , Baaqaasi waxa weeye hantidii dhamayd ee Umaddu wada lahayd ayaa la wareejiyay ama lagu hayaa Boob aan caadi ahayn,markaa waxaan ugu baaqayaa Bulshada mar haddaanay jirin cid uga masuul ahi inay waxooda ilaashadaan oo la isku yimaado.Waxaa igu kallifaya inaan Baaqan diro waa waajib na saaran oo aanu bulshada u hayno oo aanu xaq u leenahay” ayuu yidhi Boqor Raabi.
Boqor Raabi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa ugu dambeeyay Hantida Umadda ee la wareejinayo Warshadii Laydhka Berbera oo aad ka war haysaan inay tahay Xeebtii ugu Kululayd oo aan ku taageersanahay siday dadku uga dhiidhiyeen ay arrintaas u diideen.sida Warshadda Laydhka Hargeysa oo kale oo si Tuugo ah loogu wareejiyay dadkii Hantida Umadda iyagu horeba u boobay ee qaybtoodii iyo qayb kale oo aanay lahayn ba qaatay” ayuu yidhi Boqor Raabi.
Boqor Raabi oo sii Hadlaya ayaa sheegay in Shaqaalihii Warshada Laydhka Hargeysa ka shaqaynayay lagu wargaliyay inay shaqada ka tagaan “Waxaan soo maray Warshaddii Laydhka, Shaqaalihii waxay yidhaahdeen waxaa nalagu wargaliyay inaanu shaqada ka dareero, waliba Askar baa naloo keenay bay yidhaadheen,miyaanay dad muwaadiniin ah ahayn,sidee hantidooda sidaas loo yidhaahdaa”
Dhinaca kale Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen, ayaa naqdiyay hanaanka Xukumaddu dadka Ganacsatada ah ugu wareejisay Warshadda Laydhka Hargeysa “Horta aduunka way ka dhacdaa in hanti ummadu leedahay laga dhigo mid gaar loo leeyahay laakiin jid loo maro oo sharci ah ayey leedahay oo dadka ayaa loo soo bandhigaa qandaraaska oo markaa cida lacagta ugu badan bixinaysa ayey dawladu hantidaasi ku wareejisaa, Laakiin waxaan aduunka ka dhicin in si qarsoodi ah inta meel madow la galo in la yidhaa hebel intaas siiya hebalna intaas kale siiya, isla markaana shacbigana la yidhaahdo hebel baa la wareegay iyagoon ogayn inta lacag ee laga siiyey iyo halka ay martay lacagtaasi midna, run ahaantiina taasi waxay noqonaysaa musuqmaasuq iyo sharci-daro, aniga oo aan u jeedin ganacsatada laga iibiyey ee muwaadiniinta ah oo aan ixtiraam iyo qadarinba aan u hayo isla markaana an aamisanahay in dalka wax badan kusoo kordhiyeen, balse waxaan leenahay uun sharciyada ha loo maro hantida ummadda ee la iibinayo”.

 Isagoo oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaasi raaciyey “mida kale marka ay rag waawayn oo masuuliyiin ahi warbaahinta la soo fadhiisanayaan waa la dhimayaa kharashkii laydhka, waxaanu ummadda u sheegaynaa inay iska leeyihiin oo inay sii kordhiyaan mooyaane aanay hoos u dhigaynin, aduunkana waxa laga eegaa bulshadda horumartay waxa kow ka ah korontada oo dalka ay tamartiisu jaban tahay wuu ka horumar badan yahay ka laydhkiisu qaaliga yahay oo aduunyada wadamada ugu korontada jaban waxa ka mid ah Maraykanka iyo Ethiopia oo dadkooda siiyey koronto aad u jaban”. Ayuu yidhi Mr Jamaal Cali Xuseen.

Dhinaca kale Mujaahid Ooto Biixi, ayaa isna Arrintan ku tilmaamay ayaan darro, waxaanu Madaxweyne xigeenka ku eedeeyay mid aan u tudhayn shacabka uu madaxda u yahay “Waxaan ka hadlayaa Beentan Warshadda Laydhka lagu kala Iibsaday ee Nimanka Tujaarta ah ee Budhcad Barrida ah ee dalkan soo weeraray ay isticmaalayaan, waxaanan leeyahay Khiyaali ayaad wax ku Iibsateen ee Warshaddani waa Warshad Umadda ka dhexaysa, Xukumaddana waxaad moodaa inay sii ambabaxayso oo ay xataa doonayso inay Biriish-yada Baayacdo”. Ayuu yidhi Ooto Biixi.
Bulshada ku Nool Hargeysa oo si aada u wada dareemaya Qiimaha Laydhka ee Qaaliga ah ayaa si weyn u hadal hayay Maanta arrinta wareejinta Warshadda Laydhka Hargeysa ee ay kaga war heleen Warbaahinta.
Warshaddan ayaa ahayd meesha kali ah ee dadka aan iska bixin karrin Laydhka qaaliga ah ee gaarka loo leeyahay ay u Ciirsan jireen hase ahaatee sida Madaxweyne xigeenku sheegay shalay waxaa suuro gal ah inay Ganacsatadani kula biiraan Warshadda kale ee Kaah oo ay hadda ku midoobeen Warshadda kala duwan oo Hargeysa Laydhka u shidi jiray.