Muqdisho (AN) Waxaa maanta oo Sabti ah ka furmay Muqdisho shirkii 53-aad ee wasiirrada arrimaha dibadda urur-goboleedka IGAD, iyadoo Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud uu shirka si rasmi ah u furay.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in qabashada shirkan ay muhiimad weyn u tahay Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkan uu yahay kii 53-aad ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho mudo fog kaddib.









