Muqdisho (AN) Kabtanka xulka kubadda cagta gobollka Maroodi-Jeex Maxamed Xasan Maxamed (Gabyaaye) ayaa garoonka kubadda cagta Banaadir Stadium ee magaaladda Muqdisho si waddani-nimo leh u muujiyay qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii uu garoonka la soo dhex-galay Calanka Somaliland.
Laacibkan oo dabayaaqadii bishii hore gaadhay magaaladda Muqdisho ayaa u ciyaara kooxda Saxafi Hotel oo ka mid ka mid ah kooxaha kubadda cagta heerka koowaad ee Somaliya oo wakhti xaadirkan uu u socdo horyaalka kubadda cagta, waxaana kulankii saddexaad ee horyaalka Somaaliya maalintii Arbacadii oo ay kooxdiisu ka guuleysatay kooxda Elman uu garoonka la soo galay wakhtigii ciyaartoydu ay isku-lulaynaysay Calanka Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ka yaabisay dadweynihii garoonka ku sugnaa iyo masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagtay Somaaliya.
Laacibkan oo wargeyska Somalilandtoday uu la xidhiidhay habeenkii Xalay ayaa u xaqiijiyay inuu garoonka la galay Calanka Somaliland, si u dareensiiyo Shacabkii garoonka ku sugnaa Qadiyadda iyo gooni isu-taaga Somaliland. “Waxaan garoonka la galay Calanka Somaliland si aanu u muujiyo qadiyadda iyo qaranimada dalkayga Somaliland waanay ii suurto-gashay inaan garoonka la galo” ayuu yidhi ciyaartoy Maxamed Gabyaaye.
Kabtanka xulka gobollka Maroodi-Jeex ayaa sheegay markii ay dadweynihii garoonka ku sugnaa ay arkeen Calanka uu sito ay la yaab la noqotay halka masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Somaliya ay aad uga xumaadeen, sidoo kalena dadweynaha reer Somaliland ee ku nool Muqdisho ay ku farxeen kuna taageern waxaana isaga oo ka hadlaya markii uu garoonka galay uu yidhi “Dadweynihii garoonka ku sugnaa la yaab ayay ku noqotay markay arkeen anoo sita calankayga Somaliland, waanan dareemayay in qaar ka mid ahi ay ka xumaadeen laakiin wax dhibaato ama af-lagaado ah iimay gaysan. Masuuliyiinta xidhiidhka kubadda cagta Somaaliya ayaa ii yimid iyaga oo ka xumaaday dhacdadan waxaanay igu yidhaahdeen calanka maxaad garoonka ula soo gashay, ana waxaan ugu jawaabay waxaan soo bandhigayaa qadiyadda iyo gooni isu-taaga Somaliland oo ah dalkayga Hooyo, waxaa habeenimaddii ii yimid dadweyne aad u tiro baddan oo reer Somaliland ah qaar garoonka joogay iyo kuwo arrinkayga maqlayba, waanay igu farxeen inaan sidaas sameeyay wayna igu Hambalyeeyeen”.
Laacibkan ayaa xusay in markii dambe xidhiidhka kubadda cagtu ay ka qaadeen calankii sidoo kalena tababaraha kooxdiisu uu ka xanaaqay kana reebay ciyaartoydii galaysay ciyaarta (Line Up-ka) oo uu ku jiray markii hore “Aakhirkii calankii waxaa iga qaaday xidhiidhka kubadda cagta, waxaana uu tababarahu uu iga reebay ciyaartoydii garoonka galaysay oo aan markii hore ku jiray, laakiin waxaan ku faraxsanahay inaan muujiyay qaranimadda dalkayga Somaliland” ayuu yidhi Kabtan Gabyaaye.
Laacibkan ayaa xusay in dadka qaar ay siyaasadeeyeen tegitaankiisa magaaladda Muqdisho iyo inuu ka ciyaaro horyaalka Somaaliya, waxaana isaga oo ka hadlaya uu yidhi “Marna qorshahaygu muu ahayn inaan ka ciyaaro horyaalka Somaaliya oo arrinkaygu wuxuu ahaa arrin caafimaad oo aan ku tegay magaaladda Nairobi, laakiin aan Muqdisho u tegay Oday ii Adeer ah oo aad u xanuunsaday oo aan u qaadi lahaa Nairobi, laakiin markii aan imid xaalkiisi caafimaad uu soo roonaaday, ka bacdi Wiil Yemen ciyaartoy ka ahaa oo wakhti aanu Yemen tagnay aanu isku koox ahayn ayaan is aragnay waxaana uu iga codsaday inaan wakhtiga aan joogo Muqdisho u ciyaaro kooxda uu u ciyaaro ee Saxafi Hotel, sidaas ayaa ay ku dhacday inaan ka ciyaaro horyaalka Somaaliya. Laakiin waan ka xumahay in dadka qaar Xaasidiin ahi ay arrinkaygan siyaasadeeyaan, ciyaaruhu siyaasadda way ka fog yihiin waxay isku soo dhaweeyaan bulshadda, mana ay ahayn in laygu dhaliilo dedaalkayga ee waxay ahayd in laygu Hambalyeeyo”.
Ugu dambeyntii Maxamed Xasan (Gabyaaye) ayaa sheegay inaanu wax heshiish ah la galin kooxda uu u ciyaaro ee Saxafi Hotel, uuna dib ugu noqonayo magaaladda Nairobi isaga oo kaxaynaya Adeerkii isna uu xaaladiisi caafimaad uu halkiisi ka sii wadan doono