Arabsiyo(AN) waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay Degmada Arabsiyo diwaan galinta madaniga ah abaaro sideedii subaxnimo ayaad ku arkaysay goobihii kala duwanaa oo safaf dhaadheer ugaleen dadwaynaha ku dhaqan magaalda Arabsiyo diwaangalinta madaniga ah oo mudooyinkii udanbeeyey kasocotay guud ahaan Gobolka Gabiley ,
Degmada Arabsiyana ay si rasmi ah looga bilaabay iyadoo hore Gobolka Gabiley ay uga soctay magaalda Gabiley ,Degmada Alaybayd ,Degmada Wajaale
waxaana ugu horayn halkaas lagu diwaan galiyey Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo C/laahi Cabdi Faarax iyo dhamaan masuuliyiinta dawlada hoose ,C/laahi Cabdi Faarax Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo ayaa kahadlay diwaangalinta madaniga ah ee maanta kabilaabmay Arabsiyo
“alxamdulilaah maanta waxaa Degmada Arabsiyo si rasmi ah uga bilaabmatay diwaangalinta madaniga ah waxaana magaalda Arabsiyo ay kabilaabmatay afar goobod si habsimi ahna way usoctaa ,fariin ayaan halkan kagudbinayaa waxaan ugu baaqayaa dhamaan deegaanada hoostaga Degmada Arabsiyo in ay ka bilaabmatay diwaan galintii Arabsiyo waxaan leeyahay muwaadiniinta qaata kaadhka diwaangalinta madaniga ah kaas oo kaasooci doono cid kasta oo laajiya markaa walaalayaal hafududaysaninin kani waa aqoonsigiini mudadaa kooban ay ka socoto Arabsiyo ka faaidaysta ayaan idin leeyahay ” ayuu yidhi C/laahi Cabdi Faarax Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo
iskusoowada duuboo diwaangalinta Madaniga ah ayaa si habsimi ah uga socota Degmada Arabsiyo iyadoo ay dadku safaf dhaadheer ku jiraan ayna diyaar uyihiin sidii ay uqaadan lahaayeen kaadhka dhalahada muwaadinka
Arabsiyonews.net
Muuse Xuseen Xasan
Arabsiyo / Office










