Arabsiyo(AN)Waayihii aysoo martay waxbarashada Dagmada Arabsiyood.Guurtidii Dagmada arabsiyood ayaa sanadku markuu ahaa 1957 kii ayay utageen masuulkii Engriiska ufadiyay iyagoo ka codsaday in uu magaalada Arabsiyo usameeyo School Waxbarasho,Waxaanu usheegay in Sanadka dambe miisaniyada loogu darayo,laakiin sanadkii xigay Waxay ka bilaabeen waxbarasho Makhsin dargad ah iyadoo laba macalina lasoo siiyay isla 1958 kii waxa magaalada Arabsiyo loo Dhisay
Fasal, Office iyo Stoodkii ugu horeeyay ee school dawliya kaasoo loobadalay Ardaydii Waxbarashada loogu bilaabay Dargada oo ahayd 30 arday ilaa 35 Arday Waxaana la qoray Ula Cusub kuwaasoo Wax loogu dhigi jiray geed hoostii Ardaydaa Ulada la qoray ayaa tiradoodu dhamayd 54 Arday . Waxaana Fasalkii Labaad la dhisay,siday Caadadu ahayd Waxa lagalay Imtixaankii waxaa Ardaydii Imtixaanka Ufadhiistay Baasay Afar arday kuwaasoo kala ah.Maxamuud Yuusuf Ismaaciil,Ali Ahmad Colhaye,Xasan Awgaab, Dagaal,Iyo Cumar Maxamed
lasoo jimcaha dambe
muuse xuseen xasan
arabsiyonews.net








