Arabsiyo(AN)Munaasibad si heer Sare loosoo agaasimay oo ka qabsoontay hoolka Dawlada hoose ee magaalada arabsiyo Munaasibadan oo ay qurba jooga ustraliya dagan ee kasoo jeeda arabsiyo u gu soo deeqeen dugsiga sare ,waxana kasoo qaybgalay Gudoomiyaha gobolka gabilay Mustafe Cabdi Ciise Maamulka magaalada Arabsiyo,Gudoomiyayaasha Waxbarashada ee Heer Gobol iyo heer Dagmo,
cuqaal iyo waxgaradka reer Arabsiyood.Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay masuul ku hadlayay gudida wax barashada wuxuuna umahad naqay Qurba jooga reer ustaraaliya ee maanta halkan ujooga sidii ay noogu wareejin lahaydeen deeq ay ugu tala galeen dugsiga sare isagoo sheegay inay ugu faraxsa yihiin,waxa kaloo halkaa ka hadlay gudoomiyaha waxbarashada ee dagmada arabsiyo Fadxiya Maax Xasan iydoo umahad naqday qurba joogan reer arabsiyood ee maanta gartay inay ka caawiyaan dhinaca Waxbarashada
Waxa makarafoonka lagusoo dhaweeyay Hodan C/laahi Xuseen oo ahayd Inantii lahyd fikradii lagusoo urururiyay kharashkan loogu tala galay in dayr loogu sameeyo dugsiga sare waxaana kamid ahaa hadalkeedii inay aad ugu faraxsan tahay in ay maanta wax ku darsadaan oo ay qayb ka noqdaan horumarka Arabsiyood iyadoo intaa ku dartay ina ay kamuuqan doonaan wax qabadka magaalada iyo guud ahaanba soomaaliland.guntii iyo gaba gabadii maayarka arabsiyo oo runtii ah masuul horseed ka ah arimaha bulshada ee
Dagmadan arabsiyo Ayaa kusoo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise isagoo umhad celiyay qurba joogii sheegayna inuu ilaahay ugu badalo wax khayrle kuna amaanay dhamaan quba jooga dibadu sida hagar la aanta ah ee ay uga qayb qaataan intaa kadibna waxa la dhagax dhigay dayrkii schoolka oo ay siwada jira udhagax dhigeen Gudoomiyaha Gobolka iyo Maayirka Arabsiyo iyo Qurbajoogii iyadoo uu bilaabmi doonana isla bari
Arabsiyonews,net
Muuse xuseen xasan
Arabsiyo Office








