Soomaaliya: Raysal-wasaaraha Oo Diidan Inuu Golaha Wasiirrada Ku Daro Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden Iyo Xalane

0

download6-150x150MUQDISHO (AN)  Ilo wareedyo ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federaalka Somalia, ayaa xaqiijiyay in raysal-wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke uu ka biyo diiday in Golihiisa wasiirada uu kusoo daro laba ka mid ah saaxiibada Madaxweynaha Soomaaliya, kuwaasi oo kala ah Xuseen Cabdi Xalane iyo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam oo hore u ahayd Wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu dhowr jeer Raysal-wasaaraha  ka codsaday in Xukuumadda cusub uu ku soo daro Xuseen Cabdi Xalane, balse waxaa arrintaasi culeys iyo cagajiidba ka muujiyay Cumar Cabdirashiid, iyadoona ay warar hoose sheegayaan in arrintaasi ay ka taagan tahay Isfahan waa xooggan.

Diidmada Raysal-wasaaraha ayaa la sheegay inayna ahayn mid shaqsi ah oo uu diidan yahay Xuseen Xalane, balse uu doonayo in xilkaas la siiyo beesha Mareexaan, isaga oo sheegay in maadaama Kablalax haystaan xilka ra’iisul wasaaraha ayna macquul ahayn in wasaaradda maaliyadda loogu daro.

Madaxweyne Xasan ayaa wararku sheegayaan inuu ku adkeysanayo magacaabista xubnahaan kuwaasoo horey uu balanqaadyo ugu sameeyey markii xilka laga qaadayey Ra’isal wasaarihii hore ee Cabdiweli Sheekh Axmad.

Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa musharax xilka Ra’isal wasaaraha ayaa kaalin weyn ka qaatey qorshihii xilka looga qaaday Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia, waxaana dabada ka riixayey magacaabistiisa shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh, sida la xaqiiyey.

Dhinaca kale booqashadii Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku tagey waxyar kadib markii xilka loo magacaabey Cumar Cabdirashiid magaalada Kismayo ayaa waxaa balanqaad xoogan uu kasoo qaadey madaxda Jubaland in Xuseen Xalane kamid noqonayo golaha Wasiirada, madaama aan xilka Wasiirka Koowaad loo magacaabin.

Ku-simaha Wasiirka Maaliyadda Xuseen Xalane ayaa sidoo kale waxaa ka biyo diidan inuu kamid noqdo golaha wasiirada ee cusub beesha caalamka, madaama uu ka qayb qaatey dhexgalkii lagu sameeyey xildhibaanada Barlamanka dowlada Federaalka Somalia dabadana ka riixayey mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’isal wasarihii hore. Sidoo kalena waxa la soo wariyey inuu diiday inuu xil Wasiirnimo u Magacaabo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadu qudareyneysa iney kamid noqoto golaha Wasiirada ee cusub.