Madaxwaynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Khilaafka Madaxdda Somaliya Iyo Hawlgalka Nabad Ilaalinta Ee AMISOM

0

m-jabuuti-150x150Jabuuti (AN)   Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka hadlay arrimaha Soomaaliya iyo hawlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya xili uu waraysi siinayey idaacada VOA laanta Afka Soomaaliga.

Ismaaciil ayaa rajo ka muujiyey dhamaynta khilaafka Soomaaliya isagoo sheegay in la xaliyey dagaalka Al-shabaab oo hada ayna jirin awoodooda inkastoo uu qiray in ay gaystaan qaraxyo taasna uu la mid dhigay dalalka caalamka oo qaraxyaduna ka dhacaan.

Madaxweynaha wuxuu sheegay in hawlgalka AMISOM ay soo afjari doonaan Shabaabka ku hadhsan dalka wuxuuna amaanay ciidamada dawladda federaalka oo uu sheegay in ay gudanayaan waajibaadka dalka lagana yaabo in badalaan ciidanka AMISOM.

Dhamaynta Khilaafka Soomaaliya ayuu madaxweyanaha Jabuuti u gartay in ay ka qayb qadan karto dhamaystirka Dasuurka Soomaaliya oo noqondoona mid kala haga awoodaha dawladda iyo nidaamka federaalka, wuxuuna rajo ka muujiyey in ay yaraanayso khilaafka madaxda soo kala dhex gala.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa wax laga weydiiyey khilaafka AMISOM iyo Afhayeenkii AMISOM Col Xaamud oo ka soo jeeda dalka Jabuuti oo xilka laga qaaday bishii hore, Madaxweynaha wuxuu cadeeyey in Col Xaamud ayna khilaaf soo kala dhex gelin isaga iyo AMISOM balse uu dhamaday wakhtigii xil haynta ee Afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in uu badali doono Afhayeen kale oo ka yimaada dalka Kenya.

Dawladda Jabuuti ayaa qayb ka ah ciidamada AMISOM oo hawlgal u jooga dalka iyagoo dagaal kula jira ururka Al-shabaab oo qaybo badan oo koonfurta Soomaaliya ka talin jiray.