Hargeisa (AN) ”Haddii Aanu Nahay Gobalka Sool, Waxaanu Cadaynaynaa Hadii Wax Laga Badalo Codkaa Aqlabiyadda Ah Ee La Doortay….In Aan SONYO Danbe Sool Laga Maqlayn…” , sidaa waxa tidhi, Saynab Yuusuf Haybe, oo ka mid ah ergooyinkii Gobalka Sool, uga qeyb galay Shir-weynahii Todobaad ee dallada SONYO, ee 27-kii, bishii December, ka bilaabmay Hutel Ambassador, ee Hargeysa.









