DAAWO ARABSIY TV MADAXWEYNE ASADKA SUURIYA OO HABEENIMO SOCOD LUG AH KU MARAY DEGAANKA JUBAR OO MUCAARIDKA DALKAASI SHEEGAY INAY QABSADEEN

0

suuriyaDimishiq  (AN) Madaxweynaha dalka Suuriya Bashar Al Asad ayaa booqasho lug ah ku dhex qaaday, degmada Jubar ee duleedka Dimishiq oo Mucaaridka dalkaasi sheegtay inay qabsadeen ama dagaal adag kaga jiraan.

Madaxweyne Asad oo aanay wehelin ciidamo ilaalo ah oo sida u tiro badan ayaa ciidamada dawlada ee degaankaa ku sugan iyo dadka Shicibka ah, qof qof u gacan qaadayay waxaana laga dareemayay in askartii uu la kulmay niyadoodu dhisnayd wax murugo ahina aanu ka muuqan.

Socdaalkan Bashar Al Asad ku tagay degaanka Jubar ayaa ahaa habeenimadii sanadka cusub bilanayay ee khamiistii, waxaanu u muuqday mid uu kaga jawaabay sheegashooyinka Mucaaridka dalkaas ee been abuurka ahaa.